Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: China Seeks Share of East African Trade as Kenya, Somalia Deepen Ties
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Ole Gunnar Solskjaer Iyo Harry Maguire Oo U Jawaabay Roy

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Ole Gunnar Solskjaer iyo Harry Maguire ayaa meesha ka saaraya eedeyntii uu Roy Keane u soo jeediyay isbuucaan isagoo sheegay in Man United ay ka maqan yihiin hogaamiyayaal.

Kabtankii hore ee Man United ayaa si xun u dhaleeceeyay ciyaartoyda Red Devils ka dib guuldaradii 1-0 ee ka soo gaartay Arsenal kulankii Old Trafford.

Laakiin Solskjaer ayaa sheegay inuu United ku heysto ciyaartoy xoogan, wuxuuna ku taageeray kooxdiisa inay jawaab fiican ka bixin doonto guuldaradii Arsenal.

“Roy mar walba waxa uu ahaa mid hadal badan” ayuu yiri Solskjaer.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay ciyaartoyda aan halkaan ku heysto.

“Waxaan heysanaa shaqooyin kala duwan. Roy shaqaddiisa waa inuu aragtidiisa ka hadlo, mar walbana waan dhageysan doonaa Roy.

“Laakiin waxaan hore ugu soconeynaa ciyaartoyda waa weyn ee aan heysto, waana hubaa inaan jawaab celin ka arki doono iyaga.”

Markii la weydiiyay haddii uu ku raacsan yahay Roy Keane sheegashadiisa ah in United aysan laheyn hogaamiyayaal, Maguire ayaa ku jawaabay:

“Ma dhihi karo waan arkay hadalkiisa laakiin ma eegno waxa dhacaya marka aan wajahno natiijo xun.

“Ma dooneyno inaan aragti xun keeno kooxda, waxaan dooneynaa inaan noqono kuwa niyadsan.

“Waxaan si hubaal ah u oran karaa inay kooxda joogaan hogaamiyayaal badan. Anigaa ah kabtanka, rag kale oo hogaamiyayaal ah ayaa igu xeeran. Waa hubaal inay hogaamiyayaal joogaan kooxda.”

How do you rate this story?

0 votes