“Midkee Fiican Ronaldo Iyo Messi?” – Orodyahan Usain Bolt Oo Si

Orodyahanka caanka ah ee ree Jamaica ee Usain Bolt ayaa kala doortay xiddigaha ugu fiican jiilkan kubadda cagta ee Cristian Ronaldo iyo Lionel Messi isaga oo sharraxay waxa ay ku kala fiican yihiin aragtidiisa.

Halyeeyga orodka ayaa waraysi siiyay wargeyska Talyaaniga ah ee La Gazzetta dello Sport, mid kamida qoddobada badan ee uu ka hadlay ayay kamid ahayd su’aasha ugu weydiinta badan kubadda cagta sanadihii ugu dambeeyay ee ah midka fiican xiddiga Juve iyo xiddiga Barca.

Usain ayaa sheegay inay tahay su’aal adag maadaama oo uu yahay taageere xulka Argentina ah isla markaana uu Ronaldo kusoo taageeray markii uu joogay Manchester United oo uu taageere weyn u yahay.

Bolt ayaa sheegay in sidaas oo ay tahay haddana uu dooranayo Ronaldo isaga oo ku sababeeyay in CR7 uu naftiisa kusoo caddeeyay horyaalo badan halka Leo kaliya La Liga uu joogay.

“Aniga way igu adagtahay inaan doorto sababtoo ah waxaan taageeraa Argentina balse sidoo kale waxaan ahay taageere weyn oo Cristiano Ronaldo ah” ayuu ugu horreynba yidhi Bolt.

“Waxaan la dhacsanaa Ronaldo tan iyo markii uu u ciyaarayay Manchester United maadaama oo aan taageero Red Devils, waxaan filayaa inuu isagu wax dheer yahay Messi sababtoo ah waxa uu naftiisa kusoo caddeeyay horyaalo badan, sidaas darteed waxaan dooranayaa Ronaldo”

“Si kastaba, waxa jira ciyaaryahano da’yar oo badan oo xiiso leh, Mbappe tusaale ahaan, waxaan eegayaa waxa uu mustaqbalku u hayo da’yartan hibada leh”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More