Mid Waa Cunsuri, Midna Waa Bilaa Garasho – FC Porto Oo

Porto ayaa baahisay warbixin ay ku dhaleeceynayaan Manchester City iyadoo dagaalka afka ah ee uu dhaafay labada tababare.

City ayaa barbaro goolal la’aan ah ku soo gashay Portugal, waana natiijo xaqiijisay in Man City ay kaalinta 1aad ugu soo baxday wareega 16ka halka Porto ay iyadana ku soo baxday kaalinta labaad.

Labada kulankii u dhaxeeyay labada kooxood waxaa ka soo baxay naceyb badan oo ay isku qaadeen labada dhinac.

Kooxda reer Portugal ayaa ku tilmaamtay xiddiga khadka dhexe ee Man City mid bilaa garasho ah halka sidoo kale weerareen Bernando Silva iyo Pep Guardiola.

Warbixinta FC Porto oo ay daabacday jariirada A Bola ayay kooxda Portugal ku weerartay Fernandinho ka dib markii uu wax badan ku eedeeyay ciyaartoyda FC Porto inay istuuris sameynayaan kulankii xalay.

Eedeymahaas ayayna ka carootay Porto iyagoo sheegay in xiddiga reer Brazil uu nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin.

“Waxay aheyd in casaan la siiyo Fernandinho, kaasoo inkastoo uu 35 sanno jir yahay hadana tusaale cad u ah in kubada cagta ay lacag tahay, laakiin ma iibsan kartid sharaf iyo karaamo.”

Si kastaba, kooxda waxay weerarkeeda ugu xun u reebtay Bernando Silva iyagoo tixraac ka dhigtay ganaaxii halka kulan ee Silva uu ku muteystay sawir cunsurinimo ah oo uu ku tilmaamay xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mendy sannadkii hore.

Porto ayaa tiri: “Silva waa mid si heer caalami ah loogu aqoonsan yahay in lagu helay danbi cunsurinimo ah”

Waxay sidoo kale ku tilmaameen Pep Guardiola iyo kooxdiisa Man City kuwa nasiib badan lahaa kulankii xalay ee Estadio do Dragao.

“Tababaraha iyo ciyaartoyda ku dhibtoonaya inay aqbalaan natiijada waa inay ka mahadceliyaan nasiibka ay ku lahaayeen qaladaadka garsoore mar kale. Ka dib fadeexadii England, markaan waxaan la dhigin rigoore qaladkii cadaa ee uu Ederson ku galay Otavio.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More