Maxaa Ka Jira Wararka Sheegaya In Chelsea Ay Suuqan Dib Ula Soo

Kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay ka fikirayso inay dib ula soo saxeexato xiddigii kooxdeeda ka baxay laba sano kahor ee Eden Hazard oo Real Madrid ku dhibtoonayay tan iyo wakhtigaas.

Hazard ayaa laba xilli ciyaareed oo ay tahay inuu iska ilaawo kusoo qaatay Real Madrid isaga oo aan wax saamayn ah yeeshay tan iyo markii uu Chelsea qandaraaska 88-ka Milyan ee pound ah kaga tagay.

Guud ahaan Hazard ayaa labadaas xilli ciyaareed kaliya shan gool usoo dhaliyay Real Madrid walow uu 10 gool iyo wax ka badan soo dhaliyay lix kamida toddoba xilli ciyaareed oo uu Blues usoo ciyaarayay.

Sida uu haatan sheegayo wargeyska Spain kasoo baxa ee AS, Chelsea ayaa ka fikiraysa samaynta saxeexa Eden xilli ay Los Blancos ku faraxsan yihiin inay 51 Milyan oo pound ku diraan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Madrid ay ku farxi doonto inay dirto Hazard xagaagan balse sidoo kale ay ogtahay inay adagtahay inay Chelsea ka dhaadhiciso dib ula saxeexashada 30 sano jirkaas maadaama oo ay kooxda ree London isha ku hayso Erling Haaland oo Borussia Dortmund 150 Milyan oo pound ku qiimaynayso.

Eden ayaan kaliya jamaahiirta Real Madrid ku cadho galin qaab ciyaareed xumadiisa iyo saamayn la’aantiisa balse sidoo kale waxa uu kaga cadhaysiiyay kulankii ay Chelsea ka reebtay Champions League markaas oo uu xiddigaha kooxdiisii hore la qoslay walow kooxdiisa haatan ay xaalad murug ah ku jirtay.

Hazard ayaa bartiisa Instagram adeegsaday si uu raaligelin uga bixiyo dhacdadaas isaga oo sheegay inuusan ka wadin inuu ka xanaajiyo jamaahiirta Madrid isla markaana ay riyadiisa ahayd inuu kooxda mar uun u ciyaaro.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More