Markii Hore David Alaba, Haddana Leon Goretzka – Real Madrid Oo

Kaddib markii ay gacanta ku dhigtay David Alaba oo ay si bilaash ah kaga soo qaadatay Bayern Munich, Real Madrid ayaa mar kale weerar ku qaadaysa kooxda reer Germany oo ay ka doonayso xiddig kale oo laf dhabar u ah.

Real Madrid ayaa ugaadhsi ugu jirta xiddigaha Bayern Munich oo ay aftaxday sannadkii 2014kii, markaas oo ay 25 milyan oo Euro oo kaliya kaga soo qaadatay Toni Kroos oo qandaraaskiisu dhacayay, sannadkii ugu dambeeyeyna ku jiray, taas oo keentay in ay qiimahaas jaban ku hesho.

David Alaba ayaa jidkaas mid ka duwan laakiin xeelad ahaan u dhow ay Real Madrid ku heshay, waxaanay sugtay illaa intii uu qandaraaskiisu ka dhamaanayay, kaddibna si xor ah ayay kula soo wareegtay.

Mar kale ayay xeeladdii oo kale ciyaaraysaa Real Madrid sida uu qoray wargeyska BILD, waxaanay ka doonaysaa laacibka khadka dhexe ee Leon Goretzkaoo ay waliba sidii Alaba oo kale bilaash ku doonayso.

Leon Goretzka ayaa qandaraaska uu kula jiro Bayern Munich ay kaliya ka hadhsan yihiin 12 bilood, walina ma jirto wax muujinaya in uu saxeexi doono qandaraas kale.

Wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Jarmalka ayaa sheegay in laacibkan oo aanay dhaqaale ahaan Real Madrid awoodin inay la saxeexdaan waqtigan, ay ku qalqaalinayaan in uu iska diido heshiis cusub, iyadoo u ballan-qaadaysa boos joogto ah iyo inuu ka garab ciyaaro Toni Kroos.

Luka Modric oo 35 jir ah dhowaanna saxeexay heshiis uu xilli ciyaareedkan ugu sii dheeli doono Real Madrid ayaa meesha ka bixi doona, laakiin Toni Kroos oo ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiistay ayaa labada sannadood ee heshiiskiisa ka hadhsan waxa uu diiradda saari doonaa Real Madrid iyo sidii uu guulo ula gaadhi lahaa.

Leon Goretzka oo 26 jir ah, ayay Los Blancos awoodda saari doontaa sidii uu ku iman lahaa Bernabeu iyadoo aanay waliba lacagi kaga bixin.

Bishii June ayuu wargeyska Bild sheegay in ay burbureen wada-hadallo u dhexeeyey Leon Goretzka iyo kooxdiisa oo qandaraas cusub uu u saxeexi lahaa, waxaanu galay xaalad la mid middii David Alaba.

26 jirkan ayaa uu wargeysku sheegay inuu iska diiday inuu saxeexo heshiis cusub oo ay kooxdiisu u bandhigtay, taas beddelkeedana waxa uu doonayaa inuu dibedda uga baxo Allianz Arena.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More