Manchester United Iyo Chelsea Oo Ku Dagaallamaya Xiddig Wacdaro Ka

Kooxaha horyaalka Premier League ee Manchester United iyo Chelsea ayaa ku biiray dagaalka loogu jiro xiddiga Real Madrid ee Lucas Vazquez oo ka tegaya kooxdiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan kaddib markii uu iska diiday in uu saxeexo qandaraas cusub.

- Advertisement -

Laacibka reer Spain ee 29 jirka ah ayaa xor ka noqon doona Real Madrid marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan socda, waxaana ku loollamaya naadiyo badan oo doonaya in ay helaan adeeggiisa ciyaareed.

Sida ay sheegtay warbaahinta ABC, Vazquez ayaa iska diiday dhawr dalab oo ay hor-dhigtay kooxdiisa Real Madrid oo ay ku doonaysay in uu qandaraaska ku kordhiyo si uu usii joogo Santiago Bernabeu, iyadoo markii ugu dambaysayna ay kooxdu u sheegtay in heshiis saddex sannadood ah uu saxeexo kaas oo uu la socday in toban boqolkiiba uu mushaharkiisa dhimo maadaama dhaqaale xumo jirto.

Kaddib markii ay caddaatay in Vazquez uu iska diiday in Real Madrid uu sii joogo, kooxo badan ayaa dalabyo usoo diraya, waxaana ka mid noqday naadiyada Premier League ee Manchester United iyo Chelsea oo raadinaya in ay helaan ciyaartoy boosas badan uga  dheeli kara oo orodkiisu badan yahay.

Wargeyska The Sun ayaa shaaciyey in labadan kooxood ay dedaal badan u geli doonaan sidii ay u heli lahaayeen laacibkan khibradda badan ee Los Blancos kula guuleystay saddexda Champions League, isla markaana xilli ciyaareedkan ka mid ah laacibiinta ugu fiican.

Manchester United ayaa si weyn u danaynaysa in ay hesho Vazquez oo haddii ay hesho ka dhigan doonta beddelka Aaron Wan-Bissaka sidoo kalena ka ciyaarsiin doonta weerarka garabka midig.

Bayern Munich, AC Milan, Leeds United iyo Tottenham ayaa iyaguna ku jira naadiyada lala xidhiidhinayo Lucas Vazquez, halka tababare Carlo Ancelotti uu doonayo in uu ciyaartoygan mar kale la midoobo.

Warka ayaa intaa ku daray in kooxo kale oo ay ka mid yihiin Valencia, Sevilla iyo Napoli ay iyaguna doonayaan xiddigan.

Lucas Vazquez ayaa ku biiray Real Madrid sannadkii 2007 isagoo 16 jir ah, waxaanu u ciyaaray heerarka kala duwan ee kooxda iyadoo uu naadiga koowaadna u saftay 237 ciyaarood oo uu u dhaliyey 26 gool, halka uu xilli ciyaareedkii 2014-15 amaah ugu maqnaa Espanyol.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More