Man City Oo Heshay Beddelka Aguero, Zidane Oo Ka Jawaabay

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.

Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada kooxahoodu dhamaad yihiin ayaa la kala jiidan doonaa oo lala soo wareegi doonaa, halka qaarkoodna heshiisyo hordhac ah lala sii gaadhi doono.

Sidii aad horeba nooga barateen, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa si joogto ah, wararkii ugu dambeeyey suuqa iibka ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada waaweyn ee Yurub iyo xanta hoose ee aan wali bannaanka usoo bixin ee sida sirta ah ay jaraa’idku uga heleen kooxaha ee la xidhiidha suuqa.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa wararkii ay saaka oo Axad ah qoreen wargeysyada waaweyn, waxaana xuquuqda wararkan iska leh isla wargeysyada aanu kasoo xiganay oo aanu magacooda war walba ku hor qornay.

Manchester City ayaa diyaarisay dalab heshiis cusub ah oo ay hordhigayso xiddigeeda 25 jirka ah ee Raheem Sterling. (Mirror)

City waxa kale oo ay ka shaqaynaysaa inay weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus kusii hayso kooxdeeda, isla markaana ay ka saxeexdo heshiis cusub oo horumar ku samaynaya mushaharkiisa, lana gaadhsiinayo £150,000 Gini usbuucii. (Star)

Tababare Pep Guardiola ayaa haddaba sii calaamadsaday beddelka Sergio Aguero oo 32 jir ah, waxaanu u doonayaa Darwin Nunez oo ah 21 jir u ciyaara Benfica. (Telegraph)

Xiddiga Juventus iyo Portugal ee Cristiano Ronaldo oo 35 jir ah ayaa la sheegay inuu doonayo inuu ku laabto Real Madrid. (Marca)

Manchester City waxay iibinaysaa goolhayaheeda Sergio Romero oo 33 bisha January, iyadoo qiimihiisana ku koobaysa £2.6 milyan Gini oo kaliya. (Star)

Manchester United waxay halis  ugu jirtaa in lagu garaaco saxeexa laacibka khadka dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee Isak Bergmann Johannesson oo u dhashay Iceland, waxaana kaga horreysa Juventus. (Mirror)

Weeraryahanka Chelsea ee Olivier Giroud oo 34 jir ah ayaa kusoo baxay bartilmaameedka kooxda David Beckham ee Inter Miami bisha January. (Mirror)

Inter Milan ayaa sidoo kale dusha kala socota xaaladda Giroud. Waxa kale oo ay kooxda Talyaanigu si dhow ula socotaa kubbad-sameeyaha Liveprool ee Georginio Wijanldum oo 30 jir ah. (Corriere dello Sport)

Khadka dhexe ee Tottenham ee Harry Winks oo 24 jir ah ayaa dalbanaya in amaah lagu diro bisha January, si uu boos uga heli karo xulka qaranka England tartanka Euro 2020. (Football Insider)

Kubbad-sameeyaha reer Spain ee Isco ayaa ku wargeliyey Real Madrid inuu doonayo inuu iskaga tago kooxda, waxaanay Los Blancos ogolaanaysaa inay laacibkan ku fasaxdo £45 milyan oo Gini. Arsenal iyo Manchester City ayaa xiisaynaya 28 jirkan. (Marca)

Tababaraha Real Madrid ee Zinedine Zidane waxa uu ku adkaystay in difaaca reer France ee Raphael Varane oo 27 jir ah aanu iib ahayn, xilli laacibkan lala xidhiidhinayo Manchester United. (Goal)

Inter Milan waxay xiisaynaysaa inay laacibka khadka dhexe ee reer Denmark ee Christian Eriksen oo 28 jir ah ay siiso Manchester United oo ay ku kala beddeshaan Fred oo 27 jir ah. (Football Italia)

Manchester United waxay heshiis isfaham la gaadhay da’yarka Barcelona ee Ansu Fati oo ay £133 milyan oo Gini dul-dhigtay xagaagii, kaliya waxay arrintu ka dhinayd dhinaca Barca oo diiday iibka. (Sport)

Difaaca kooxda RB Leipzig iyo xulka France ee Dayot Upamecano oo 22 jir ah ayaa calaamadda ‘LIKE’ saaray warbixin ku xidhiidhinaysa Manchester United. (MEN)

PSG ayaa laga yaabaa inay go’aamiso inay iska iibiso Neymar oo 28 jir ah, haddii ay aragto inay heshiis lacag badan ah ku joojin karayaan Kylian Mbappe oo 21 jir ah. (Sport)

Kabtanka xulka England ee Harry Kane ayaa rumaysan in Gareth Bale oo ay amaah kaga soo qaateen Real Madrid iyo goolhayaha City ee Joe Hart ay kooxdiisa Tottenham saamayn badan ku yeesheen, isla markaana khibraddoodu u horseedi doonto koobab. (Football London)

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in aanu wax hunguri ahi kaga jirin inuu noqdo macallinka xulka qaranka Germany, haddii shaqada laga caydhiyo Joachim Low kaddib guul-darradii 6-0 ahayd ee Spain u xambaarisay usbuucii hore. (Mirror).

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More