“Ma Iyagaa Ku Dhaca, Sharciga Ayaa Na Ilaalinaya…” – Florentino

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Florentino Perez ayaa wax lagu qoslo ku sheegay hanjabaadda UEFA ee ah in ciyaartoyda kooxaha samaystay Super League xayiraad laga saarayo tartamada Koobka Adduunka iyo Euro, haddii ay naadiyadani kusii adkaystaan in uu hirgalo tartankoodu.

Xidhiidhada kubadda cagta Yurub ee UEFA, Maamullada horyaallada Premier League, LaLiga & Serie A oo lagu daray FIFA ayaa meel adag iska taagay qorshaha 12 kooxood ay ku dhawaaqeen Axaddii ee ah in ay samaysanayaan horyaal sida Champions League oo kale ah oo ay ku midaysan yihiin.

Madaxweynaha UEFA ee Aleksander Ceferin ayaa si adag uga hadlay arrintan oo sheegay in Jimcaha ay go’aamo ka soo saari doonaan, iyadoo ay u badan tahay in kooxaha Real Madrid, Man City iyo Chelsea laga caydhiyo tartanka Champions League ee ay semi-finalka taagan yihiin.

Si kastaba, madaxweynaha Real Madrid ee Florentino oo xalay bixiyey waraysi ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay hanjabaadda Ceferin ee ah in ciyaartoyda loo diidi doono tartamada caalamiga ah sida Koobka Addunka iyo EURO, waxaanu yidhi: “Ciyaartoy kastaaba waa in uu is-dejiyo sababtoo taasi ma dhici doontao {In loo diido in ay xulalkooda u ciyaaraan}. Xayiraad ma saari doonaan haddii ay ku biiraan Super League.”

Florentino Perez waxa kale oo uu ka jawaabay hanabaaddii xalay ay UEFA soo gudbisay ee ahaa in Jimcaha laga saarayo Champions League kooxaha Real Madrid, Man City iyo Chelsea, waxaanu yidhi: “Real Madrid, Manchester City iyo Chelsea lagama xayiri doono Champions League ama tartamada maxalliga ah. Suurtogal maaha, aniga ayaa taas idiin xaqiijinaya taas. 100kiiba boqol, madhici doonto, sharciga ayaa na ilaalinaya. Macquul maaha tani.”

Perez waxa kale oo uu eedaymo u jeediyey Madaxweynaha UEFA ee Ceferin oo Ed Woodward iyo Andrea Agnelli ku tilmaamay in ay yihiin ‘Mas’, waxaanu yidhi: “Madaxweyne Ceferin wuxuu maanta caayey Andrea Agnelli, suurtogalna maaha. Waa waalli in laga faalloodo madaxweynaha koox sida Juventus ah, mana aha wax la aqbali karayo, UEFA waa in ay beddesho, ma doonayno madaxweyne caayaya madaxweyneyaasha kale.

“Waa maxay sababta mushaharooyinka UEFA iyo LaLiga loo shaacin la’yahay? Waa maxay sababta mushaharooyinkooda loo yarayn la’yahay sida qof kasta oo kale inta lagu jiro aafada {Fayraska Korona}? Waxaanu u baahanahay cadcaddaan badan. Waynu garanaynaa mushaharka LeBron James laakiin ma garanayno mushaharka madaxweynaha UEFA.”

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More