Iska Illow Ronaldo & Dybala – Waakan Xiddiga Uu Pirlo Ku

Tababaraha kooxda Juventus ee Andrea Pirlo ayaa amaan kula dul-dhigay xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Adrian Rabiot oo uu ku sifeeyey ‘ciyaartoy dhamaystiran’ kaas oo ay ‘yar tahay in noociisa oo kale laga helo dunida.’

Rabiot ayaa kusoo bilowday t;oddobadii ciyaarood ee horyaalka Serie A ee ay ciyaartay Juve, iyadoo xalayna ay guul weyn oo 2-0 ah ka gaadheen Cagliary oo marti ugu ahayd Allianz Stadium.

Natiijada ciyaartani waxay Old Lady kusoo gashay kaalinta labaad ee kala-sarraynta horyaalka iyadoo yeelatay 16 dhibcood, isla markaana hal dhibic oo kaliya ka dambaysa AC Milan oo hoggaanka haysa, kulankeedana usbuucana caawa ciyaaraysa.

Cristiano Ronaldo ayaa u furay gool-dhalinta daqiiqaddii 38aad, waxaanu mid labaad ugu daray afar daqiiqadood kaddib isagoo goolka ku leexiyey kubbad koorne ahayd oo uu ka helay Cuadrado.

Juventus ayaa ciyaarta ku dhamaysatay iyadoo 24 toogasho la beegsatayy goolka, waxaana kubbadahan soo nashqadaynayay, farshaxanistena ka ahaa Rabiot oo si layaab leh u kala xidhay khadka dhexe.

25 jirkan oo si bilaash ah ugu soo wareegay Juve kaddib markii uu soo dhamaaday heshiiskiisii PSG sannad ka hor ayaa waxa amaan ugu qubeeyey Pirlo oo ciyaarta kaddib yidhi: “Waa ciyaartoy dhamaystiran, wayna yar tahay inta aan arkay ciyaartoy sidiisa u xooggan jidh ahaan iyo farsamo ahaanba.

“Isaga naf ahaantiisa ayaan garanayn horumarka uu samayn karayo, anaguna waxaanu ka shaqaynaa sidii uu dhinaca maskax ahaanta iskugu fahmi lahaa inuu yahay mid guuleystay. Ciyaar ba ciyaarta ka dambaysa ayuu hormar samaynayaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More