DAGAALKA U Dhexeeya Donald Trump & LeBron James Oo Meel Xun
Dagaalka afka ah ee u dhexeeya Madaxweynaha Maraykanka ee Donald Trump iyo xiddiga NBA-da ee LeBron James ayaa meel xun gaadhay, kaddib markii uu Trump iska diiday inuu u hambalyeeyo kooxda Los Angeles Lakers oo Axaddii ku guuleysatay horyaalka NBA-da Maryaknaka.
- Advertisement -
Xiddiga Madowga ah ee LeBron James ayaa hormood u noqday ciyaartooyo badan oo ka dhiidhiyey qaabkii loo dilay laba nin oo midabkoodu madow ahaa oo lagu magacaabi jiray George Floyd iyo Breonna Taylor, kuwaas oo sababsaday gacanta booliska oo si axmaqnimo leh u diray.
Ciyaaryahannadan ayay qaarkood u ololaynayaan in aan dib loo dooranin Donald Trump doorashada bisha dambe dhacaysa, iyagoo taageereyaashooda ku boorrinaya inay la saftaan dhinaca Xisbiga Dimuquraadiga.
Ciyaartii ugu dambaysay ee LA Lakers ay koobka kaga qaadday Miami Heat oo uu kasoo qayb-galay Madaxweynihii hore ee Maraykanka ee Barak Obama iyo madax kale oo badan ayaa waxa markii ay soo dhamaatay ee koobka la guddoonsiiyey Lakers, si lama filaan ah baraha bulshada ugu soo dhacday farriin ka timid Donald Trump oo ciyaartaas ku tilmaamay tii ugu xumayd taariikhda NBA-da oo aan wax siise ah la hayn.
Waxa kale oo uu Donald Trump intaa ku daray in la moodayay sidii la daawanayo ciyaar ka dhacaysa waddanka China oo ay laba kooxood oo aan waxba ahayni wada ciyaarayaan, taas oo nuxurkeeda ugu weyn ahaa inuu hoos u dhigo guusha koobka ee tobanka sannadood kaddib ay gaadhay LA Lakers oo LeBron James uu ku hoggaamiyey.
Trump ayaa waxa uu daliil ka dhiganayay in NFL ay ka daawasho badan yihiin NBA-da taariikh ahaan gudaha waddanka Maraykanka, waxaana ujeedaddiisa ugu weyn ay ahayd inuu ku liido LeBron James oo isagana loo doortay ciyaartoygii ugu fiicnaa xili ciyaareedka oo la guddoonsiiyey abaal-marinta MVP.
Si kastaba, LeBron James ayaan isaguna ka gabbanin inuu si badheedh ah u eedeeyo Donald Trump oo uu ku tilmaamay qof kala qaybinaya shacabka Maraykanka oo madow iyo caddaan u kala saaraya.