Daawo Xiddig Chelsea Ka Tirsan Oo Gitaar U Tumaya

Xiddiga khadka dhexe ee Chelsea Jorginho ayaa ku hogaamiyay xulka qaranka Talyaaniga heesta Wonderwall ee ay qaadaan kooxda Oasis isagoo gitaarkiisa la soo baxay xilli ay xulka casho u fadhiyeen.

Ciyaaryahanka oo 28 sanno jir ah ayaa madadaaliyay asxaabtiisa xulka qaranka Talyaaniga intii ay casheynayeen ka hor kulanka UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan xulka Poland.

Talyaaniga 6-0 ku xasuuqay xulka Moldova habeenkii Arbacada iyadoo Jorginho uu asxaabtiisa ku madadaaliyay inay isku diyaariyaan kulanka weyne e Axada.

Azzurri ayaa ka dib kulanka Poland waxay Arbacada la ciyaari doonaan xulka Holland oo ah kulankooda ugu weyn ee Group A ee tartanka UEFA Nations League.

Iyadoo Jorginho uu heesta Wonderwall ku tumayay gitaarkiisa, xiddigaha kooxda oo uu ku jiro waayo araga Giorgio Chiellini ayaa iyagana qaadayay heesta.

Jorginho ayaa dhawaan shaaca ka qaaday inuu bartay garaacista gitaarka intii uu gurigia iska joogay markii uu Korona Fayras hakiyay kubada cagta.

Si uu isku mashquuliyo ayuu xiddiga Talyaaniga bartay sida la isagu xirxiro baaskiilka iyo sida loo tumo gitaarka.

Jorginho ayaa shaaca ka qaaday: “Waa inaad raadiso wax aad isku mashquulin karto.

“Tusaale ahaan, aniga waxaan xirxiraa baaskiil, waxaan tumaa gitaalka oo aan leylin ku sameeyaa.

“Waxa ugu xun ayaa ah inaan ciyaari karo gitaarka laakiin kuma heesi karo si fiican”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More