Bayern Munich Oo Dalbatay Laf-dhabarta Real Madrid Ee Fede

Bayern Munich oo ku guuleysatay tartanka Champions League, August 28, dhexdana kusii jiidhay Barcelona iyo Olympique Lyonnais ka hor intii aanay finalka isku haleelin PSG oo ay iyagana kaga guuleysteen, ayaa waxay intii uu furnaa suuqa iibka ciyaartoydu ay dalab ka gudbisay laacibka laf-dhabarta u ah Real Madrid ee Fede Valverde oo uu tababare Flick u calmaday inuu qayb ka noqdo dibu-dhiska kooxdiisa iyo inuu sii wadi karo guulaha uu sannadkan gaadhay.

Munich oo ogeyn go’aanka xiddigeedii khadka dhexe ee Thiago Alcantara oo Liverpool u wareegay, isla markaana dersin ka tirsan laacibiinteedu ay isugu jireen kuwo heshiisyadoodu dhacayaan iyo kuwo sii gaboobaya, ayaa waxay liiska ciyaartoyda ay doonayaan ay ku darsatay Valverde, laakiin Los Blancos oo dalabku gaadhay ayaa jawaab degdeg ah markiiba ka bixisay.

Leroy Sane, Bouna Sarr, Tanguy Nianzou, Douglas Costa iyo Marc Roca ayay Bayern Munich lasoo saxeexatay, waxaa se bartilmaameedkooda ugu weyn uu ahaa Valverde oo ay ku fashilmeen inay kooxdiisa Real Madrid ku qanciyaan inay ogolaadaan inay ka iibiyaan.

Sida uu qoray wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, Real Madrid oo heshay dalabka Bayern Munich ee Fede Valverde laga soo gudbiyey ayaa waxay ku wargeliyeen Munich inaanay kusoo xisaabtamin laacibkan oo aanu hunguri ka gelin.

Sidaas oo kale, Valverde ayaa isaguna aan wax wada-hadal ah la yeelanin Bayern Munich, isla markaana aan ogolaanin inuu qayb ka noqdo mashruuca loosoo gudbiyey, maadaama uu Zinedine Zidane ka haysto kalsooni weyn, loona arko inuu yahay mustaqbalka Real Madrid.

Dhinaca kale, Valverde ayaa Real Madrid u saxeexay heshiis cusub sannadkii hore, kaas oo uu muddo ka badan shan sannadood cimrigiisa xirfadeed ugu hibeeyey Los Blancos.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More