Saxiixyadii Man United Ee Edinson Cavani Iyo Donny van de

Heshiisyadii ay Manchester United kula soo wareegtay Edinson Cavani iyo Donny van de Beek ayaa loo magacaabay saxiixyadii ugu xumaa xagaagan sida ay sheegeen wakiilada ciyaartoyda.

Red Devils ayaa si bilaash ah kula soo wareegtay Cavani halka ay 35 milyan ginni ku soo iibsadeen Van de Beek oo ka soo wareegay kooxda Ajax.

Laakiin wakiilada kubada cagta ayaa isku raacay in Man United ay aheyd inaysan la soo wareegin labadaan xiddig.

Wargeyska The Athletic ayaa weydiiyay 18 wakiilo inay u codeeyaan saxiixyadii ugu xumaa xagaagan.

Heshiiskii Cavani uu ugu wareegay Old Trafford ayaa halay boqolkiiba 28 codadka wakiilada.

Hal wakiil ayaa su’aashaan ka keenay heshiiska isagoo yiri: “Miyay aheyd inay miisaaniyadooda sidaan u isticmaalaan? Man United miyay wax badan sameyn doontaa mudada uu halkaan joogo? Inay kooxda ku soo daraan waxay aheyd wax laga maarmay.”

Cavani oo 33 sanno jir ah ayaa mushahar gaaraya 200 kun ginni isbuucii ka qaaday doona Man United xilli ciyaareedkan.

United ayaa maalintii ugu danbeysay suuqa kala iibsiga la soo wareegtay Cavani iyagoo saxiixiisa kaga adkaaday kooxaha Atletico Madrid, Leeds United iyo Benfica.

Heshiiska Van de Beek uu ugu wareegay Man United ayaa isna helay codadka boqolkiiba 11 taasoo ka dhigeysa heshiiskii labaad ee ugu xumaa xagaagan sida ay aaminsan yihiin wakiilada.

Wakiilada intooda badan aaya isku raacay in 35 jirkaan uu u qalmo 35ta milyan ginni ee laga soo bixiyay laakiin ma aaminsana in xiddigaan oo 100 kun ginni isbuucii mushahar u qaata inuu ahaa xiddig ay u baahan tahay United.

Saxiixa seddexaad ee ugu xumaa xagaagan waxay u magacaabee daafaca Nathan Ake kaasoo ka soo wareegay Bournemouth kuna biiray Manchester City isagoo helay boqolkiiba lix codadka.

Heshiiska uu Rhian Brewster ugu wareegay Sheffield United, heshiiska Kai Havertz ee Chelsea iyo saxiixa Liverpool ee Diogo Jota ayaa ka mid ah saxiixyada helay boqolkiiba 6 codadka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More