DAAWO: Maxaa Ka Dhacay Garoonka Tababarka Real Madrid Markii Uu

Garoonka tababarka ayaa jawi kale galay markii uu soo galay Raphael Varane oo isku dayaya inuu qof walba sii macasalaameeyo, si uu qaabkii ugu wanaagsanaa ugaga tago kooxdii uu tobanka sannadood u ciyaarayay ee uu ku qaatay cimrigiisa ciyaareed.

Difaaca reer France oo £42 milyan oo Gini ay ku iibsatay Manchester United ayaa maanta tegay xerada tababarka, waxaanu soo gacan-qaaday qof walba oo ka tirsan kooxda oo ay ku jiraan tababareyaasha iyo madaxweyne Florentino Perez.

Varane ayaa sagootin fiican ay u samaysay kooxdiisa uu kasii tegayo, waxaana uu Florentino Perez geeyey qolka ay ku kaydsan yihiin koobabkii ay kooxdu ku guuleysatay oo ah meesha xiddigaha cusub iyo ciyaartoyda ay sharfayaan ee sii tegaya lagu sii sagootiyo.

Tababare Carlo Ancelotti iyo shaqaalihiisa tababarka ayaa la dhacay qaabkii ixtiraamku ku ladnaa ee uu Varane ugu yimid, uguna macasalaameeyey.

Isaga oo ku labbisan dhar caadi ah ayuu soo galay garoonka tababarka oo ay ku sugnaayeen ciyaartoyda oo dhan oo uu mid mid u salaamay, kaddibna waxa usoo goleeyey oo meel iskugu yimid dhamaan ciyaaryahannada oo uu qudbad kooban u jeediyey.

Waxa uu uga mahad-celiyey muddadii ay wada shaqaynayeen ee tobanka sannadood ahayd oo qaarkood ciyaartoydii uu ugu yimid kooxdu ay wali sii joogaan.

Halkan ka daawo sidii uu ahaa jawiga garoonku:

?? Au revoir, @raphaelvarane. pic.twitter.com/sCZiMuBvxW

— Real Madrid C.F. ???? (@realmadriden) July 30, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More