DAAWO: ‘Inkaar Ayaan Kugu Ogahay Saka….’ – Chiellini Oo Habaaray

Kabtanka xulka qaranka Talyaaniga ee Giorginio Chiellini ayaa ku andacooday inuu habaar iyo inkaar dusha uga tuuray Bukayo Saka hor  intii aanu laacibka da’da yar laadin rikoodhihii uu khasaariyey finalkii Euro 2020, taas oo Talyaanigu ku qaaday koobka.

Saka ayaa loo dhiibay rikoodhihii ugu dambeeyey Ingiriiska, waxaana uu toogtay dhinaca bidix ee goolhaye Gianluigi Donnarumma oo Jadon Sancho oo ka horreeyey oo isaguna isla dhinaca bidix toogtay uu isagana ka qabtay.

Intii aanu rikoodhaha tuurin, waxa qaylinayay Chiellini oo ku dhawaaqayay erey Talyaani ah oo ahaa ‘Ciricocho’ oo macnaheedu yahay ‘waan ku inkaaray’, waxaana markii uu da’yarku tuurtay rikoodhaha ay kubaddu labada gacmood  u gashay Donnarumma.

Muuqaal lasoo bandhigay ayaa waxa uu muujiyey Chiellini oo qaylinaya xilli aanu wali kubadda laadin, waxaana isla markii uu Donnarumma kubadda qabtay uu Chiellini hormood ka noqday xiddigihii Talyaaniga ee sida degdegga ah ugu soo yaacay dhinaca goolhayahooda oo aan moodaynin in ay ciyaartu dhamaatay, isla markaana wax dabbaal-deg ah samaynin.

‘Kiricocho’ ayaa asal ahaan kasoo jeeda South America, waxaana la rumaysan yahay in turjumaaddiisa saxda ah ay tahay ‘inkaar’ ama ‘nasiib-darro kugu dhacday’

Kiricocho ayaa caan noqotay sannadihii 1980-meeyadii markaas oo qof taageere u ahaa kooxda Estudiantes ee waddanka Argentina ka dhisan uu ciyaartoyda kooxdaas ku habaaray xilli ay tababarka  qaadanayeen, waxaana dhacday in dersin ciyaartoyda kooxda koowaad ahi ay dhaawacmeen.

Tababarihii kooxda Estudiantes ayaa intii wixii ka dambeeyey waxa uu qofkaas  oo la baxay ‘Kiricocho’ uu ka codsaday inuu kasoo qayb-galo ciyaaraha kooxdaas si uu u habaaro.

Sax ama khuraafaad, sheeko baralay ama wax aan jirin, si ay ahaataba, waxa uu Chiellini sheegtay inuu habaaray Bukayo Saka.

Koobkii Adduunka 2010, Joan Capdevila oo ka tirsanaa xulka qaranka Spain ayaa ku qaylinayay kalmaddan mar uu Arjen Robben uu helay fursad caddaan ahayd oo uu gool ku dhalin karayay ciyaartii finalka, laakiin wuu khasaariyey fursaddaas.

Halkan ka daawo Chiellini oo habaaraya Saka

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More