Conflict Cusub Oo Kasoo Kordhay Go’aanka Arsenal Ka Qaadatay Shaqo Ka

Mulkiilaha Arsenal ee Stan Kroenke ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalka tababaraha culaysku saaran yahay ee Mikel Arteta kaddib markii ay kooxdaasi ka hadhay tartanka Europa League oo ay Sevilla kasoo cidhibtirtay Khamiistii.

Mikel Arteta ayaa xilli ciyaareed xun la qaadanaya Arsenal, waxaanay rajo la’aan ka yihiin tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka dambe iyagoo kaalinta 10aad kaga jira miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, halka taas oo ka dhigan in aanay kasoo muuqan doonin tartamada Yurub xilli ciyaareedka dambe.

Europa League oo ay semi-finalka yimaaddeen ayaa ahaa rajada ugu weyn ee ay leedahay Arsenal, kaas oo haddii ay ku guuleysan lahayd ay si toos ah uga soo qayb-geli lahayd tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin hadda rajadaasi waxay ku burburtay barbarrihii goolal la’aanta ahaa ee ay Emirates Stadium kula galeen Villarreal oo ciyaartii hore ee waddanka Spain ka dhacday kaga soo badisay 2-1.

Mikel Arteta oo warbaahinta la hadlay kaddib guul-darradii Khamiistii ayaa qirtay in uu dareemayo xanuun weyn, waxaanu yidhi: “Waxa aan caawa dareemay waa xanuun weyn.

“Marxaladda ay kooxdu ku jirto waqtigan, waxa aan dareemayaa in haddii kooxdu ay tegi lahayd finalka ay wax hagaagi lahaayeen. Aniga ayaa dareemaya masuuliyadda, waxaana iga go’nayd in aan gaadho finalka.”

Arsenal ayay u noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay ka maqnaato tartamada Yurub muddo 26 sannadood ah, waxaana hadda soo baxaya go’aanka uu mulkiile Stan Kroenke ka qaatay tababare Mikel Arteta.

Sida uu qoray wargeyska Every day Mirror, Stan Kroenke ayaa go’aansaday in aanu shaqada ka caydhinin Arteta oo aanu ku degdegin, taas oo ka dhigan in uu Emirates Stadium sii joogi doono xilli ciyaareedka dambe, laakiin aanu damaanad u haysanin in uu la dhamaysan doono sannadka dambe haddii aanay kooxdu natiijooyin fiican keenin bilowga xilli ciyaareedkaba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More