Barcelona Oo Ganaax Sugayo – Kulankii Lionel Messi U Qabtay

Dawlad-goboleedka Catalia iyo maamulka horyaalka Spain ee LaLiga ayaa baddhitaan ku bilaabay kooxda kubadda cagta Barcelona oo ciyaartoydeedu ay toddobaadkan kulan qado ah ku yeesheen guriga Messi.

Isniintii ayaa uu kabtanka Barcelona ee Lionel Messi iskugu yeedhay ciyaartoyda kooxda oo dhamaantood iskugu tegay gurigiisa, kaddib markii ay guul cidhiidhi ah ka gaadheen Valencia.

Lionel Messi ayaa la sheegay in uu kulankan kooxda ugu yeedhay si uu ugu dhiirigeliyo in ay dagaal adag galaan afarta ciyaarood ee uga hadhsan horyaalka LaLiga oo ay u baahan yihiin in ay guuleystaan, si ay uga sare mari karaan Actual Madrid iyo Atletico Madrid oo ka horreeya.

Warbaahinta Spain ayaa sheegtay in ujeeddada ugu weyn ay ahayd in xidhiidhka ciyaartoydu uu aad iskugu dhowaado waqtigan xaasaasiga ah oo sidoo kalena la sheegayo in Messi uu go’aansaday in uu sii joogo kooxda, heshiis cusubna u saxeexo.

Laakiin kulankan kaddib, waxa baadhitaan ku bilowday ciyaartoyda kooxda oo lagu haysto shirkaas iyo qadada ay ku yeesheen guriga Messi.

Dawladda Catalonia ayaa dhinaceeda u samaynaysa baadhitaan la xidhiidha in ay ciyaartoydani jabiyeen sharciga xakamaynta fayraska Korona ee mamnuucaya in dad ka badan lix qof ay meel ku kulmi karaan.

Sidoo kale, horyaalka LaLiga ayaa iyaguna gaar u samaynaya baadhitaan la xidhiidha arrintan.

Maxaa ciqaab ah oo ka dhalan kara?

Waqtigan, ma jirto ciqaab cahyhiman oo la ogyahay in ciyaartoyda sharciga fayraska Korona jabiya lagu rido, laakiin ciyaaryahannada kooxda Valencia ayaa xilli ciyaareedkii hore waxay jabiyeen sharcigan, taasina waxay keentay in madaxweynaha laLiga ee Javier Tebas uu ku hanjabo in ay tallaabooyin ka qaadi doonaan.

Laacibiinta Valencia ayaa ugu dambayntii bixiyey raalli-gelin mana jirto wax ciqaab ah oo la marsiiyey.

LaLiga iyo Catalonia ayaa la eegi doonaa nooca ciqaab ah ee ay ku ridi karaan Barcelona oo ay sidoo kale sugayso ciyaarta ay qasabka tahay in ay guuleystaan ee ay toddobaadka soo socda la ciyaari doonaan Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More