Barcelona Maanta Ayay Doonaysay Inay Shaaciso Saxeexa Depay

Kooxda ree Spain ee Barcelona ayaa ah mid wali ka shaqaynaysa heshiiska ay kula soo wareegayso weeraryahanka Lyon qaabka xorta ah kaga tagaya ee Memphis Depay balse wadahadalada ayaa ah kuwo wax yar hakad galay.

Barca ayaa markii hore qorshaysay inay saxeexa Depay ku dhawaaqdo maanta oo Axad ah kahor kulanka furitaanka Euro ee xulka Netherlands caawa uu metelayo ciyaaryahanku.

Depay iyo xulka Dutch-ka ah ayaa caawa gegida Cruyff Arena ku bilaaban doona loolankooda Euro 2020 xilli ay soo dhawayn doonaan Ukraine balse waxa ay u muuqataa inuusan ciyaartaas ciyaari doonin isaga oo ciyaaryahan Barcelona ah sida markii hore la filayay.

Maamulka Barcelona ayaa la xusayaa inay kalsooni ku qabaan in saxeexa Depay uusan noqon doonin mid mara wadadii Georginio Wijnaldum oo Paris Saint-Germain ku biiray walow uu markii hore heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Barca.

Qorshaha hore ayaa ahaa in heshiiska Depay ee Barca lagu dhawaaqo Jimcihii tagay laakiin wadahadalada dartood ayaa dib loogu dhigay iyadoo sidoo kale ciyaaryahanku uu sheegay inuu si buuxda diirada u saarayo ka qayb-galka Euro.

Xaqiiqada ah inuu Depay yahay mid qaab xor ah lagu heli karo ayaa ka dhigan in haddii uu Euro si fiican uga soo dhalaalo Barcelona lagula tartami doono saxeexiisa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More