Anthony Martial Oo Isaga Tagay Tababarka Man United Kaliya

Anthony Martial ayaa isaga baxay tababarka Manchester United maanta kaliya 11 daqiiqo uu joogay xarunta tababarka.

Weeraryahanka Faransiiska oo 24 sanno jir ah ayaa shalay seegay guushii ay Man United ka gaartay Southampton ka dib xumad qabatay, waxaana lagu qasbay inuu huteelka sii joogo intii ay ciyaarta socotay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa yiri shalay: “Anthony waxaa qasab ku aheyd inuu huteelka joogo, wuxuu xanuunsaday habeenkii welina halkaas ayuu joogaa”

Inkastoo uu saaka yimid xarunta tababarka Carrington madaamaay isku diyaarinayaan kulanka Arbacada ee Paris Saint-Germain, waxaa durbadiiba lagu amray inuu gurigiisa aado.

Martial ayaa sawir laga qaaday 9:59am isagoo galaya xarunta tababarka, laakiin waxaa hadana la sawiray isagoo ka baxaya 10.10am.

Wargeyska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Martail uu isaga baxay tababarka madaama uu weli xanuunsanayo isagoo taam u noqon waayay inuu tababar qaato.

Asxaabtiisa kooxda sida Edinson Cavani, Marcus Rashford, Harry Maguire iyo Jesse Lingard ayaa ka mid ah xiddigihii soo xaadiray tababarkii maanta halka Ole Gunnar Solskjaer iyo madaxa kooxda Ed Woodward ay hal gaari ku tageen xarunta tababarka.

Waxay tani la micno tahay in xiddigii hore ee Monaco uu shaki ku jiro inuu taam u noqon karo kulanka Champions League ee Old Trafford ka dhacaya Arbacada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More