AMAKAAG: Barcelona Oo Iibinaysa Xiddig Ay Toddobaad Kahor Lasoo

Toddobaad kahor ayay ahayd markii ay kooxda Barcelona dib ula soo saxeexatay daafaca midig ee ree Brazil ee Emerson Royal balse waxa soo baxay haatan warar sheegaya inay doonayso durba inay dib u iibiso.

Waxa wax cad ah in Barcelona ay xagaagan doonayso inay hesho lacago ay suuqa ku gasho maadaama oo kooxdu ay xaalad dhaqaale ahaan liidata gashay, Emerson ayaa muhiim u noqon kara qorshahooda.

Barcelona ayaa Emerson dib ugala soo wareegtay kooxda Real Betis iyaga oo 9 Milyan oo euro kusoo qaatay, haatan Skysports Italy ayaa sheegaysa inay Barca wadahadalo kula jirto Inter Milan isla markaana lacagta lagu iibiyo ay 20% ku yeelan doonto Betis.

Inter ayaa u doonaysa Emerson inuu noqdo bedelka Achraf Hakimi kaas oo bixitaankiisu u muuqdo mid rasmi noqon kara gudaha suuqan.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa u muuqda mid ku dhaw inuu ku biiro Paris Saint-Germain walow ay sidoo kale xiiso weyn u muujisay Chelsea oo dhawaan bar-baraysay lacagta dalabkii ay PSG ka gudbisay daafacaas.

Barcelona ayaa qabta inay booska daafaca midig xiddigo ku filan u haysato waxaana ay bedelka Emerson Royal doonayaan lacag ay suuqa ku galaan.

Xiddigaha kale ee ay Blaugrana suuqa xagaagan lacagta ka samayn karto iibkooda ayaa ah Philippe Coutinho, Miralem Pjanic, Junior Firpo, Samuel Umtiti, Matheus Fernandes iyo Martin Braithwaite.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More