Akhriso Hadalka Ay Ka Heleen Jamaahiirta Arsenal Ee Uu Sergio Ramos Ka

Haddiiba ay jamaahiirta Arsenal yihiin kuwo ku faraxsan hadalada hore looga yidhi xiddiga ay saxeexiisa ku dhaw yihiin ee Ben White, kaddib waxa rajo weyn galinaya hadal uu ka yidhi halyeeyga Real Madrid iyo xulka Spain ee Sergio Ramos.

White oo hadda u ciyaaraya kooxda Brighton isla markaana metelaya xulka England ee Euro 2020 ayaa ku dhaw inuu heshiis 50 Milyan oo pound ah ugu biiro Arsenal.

Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, labada kooxood ayaa ah kuwo wadahadalo wanaagsani u socdaan hadda isla markaana heshiis rasmi ah ayaa dhawaan la shaacin doonaa.

Jamaahiirta Gunners ayaa rajaynaya in saxeexa Ben uu horumarin doono Arsenal oo soo qaadatay xilli ciyaareed niyad xumo ah oo ay markii ugu horreysay mudo 25 sano ah gabi ahaanba banaanka ka ahaan doonto tartamada Yurub.

Hadalo haatan kasoo yeedhay agaasimaha Leeds United ee Victor Orta oo ah kooxdii hore ee Ben White kaas oo soo xigtay wixii uu Sergio Ramos ka yidhi White ayaa ah kuwo dhiirigelinaya jamaahiirta Arsenal.

Orta oo barnaamij toos ah oo ay Leeds leedahay kaga warramaya Ben White ayaa yidhi “Waxaan ku siinayaa tusaale, Ben White waxa uu ahaa ciyaartoyga ugu wanaagsan horyaalka Championship-ka haddii uusan ahayn midka ugu wanaagsan waxa uu ku jiray shanta ugu fiican, aniga ahaan waxa uu ahaa midka ugu wanaagsan, hadda safka England ayuu ku jiraa”

“Heshiiskii amaahda ahaa ee uu ku tagay Newport waxa uu ahaa mid wanaagsan, markii aanu bilawnay inaanu indho-indhayno sababtoo ah waanu daawanaynay, daacad ahaantii waxaan dareemay inaan ka helay”

“Waxaan xasuustaa in markii ugu horreysay uu Sergio Ramos yidhi ‘Waa kuma wiilkan yari? ee ku ciyaaraya garoonka Newport’ dhab ahaana wuu la dhacsanaa”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More