Ajax vs Liverpool & Man City vs Porto – Shaxaha Macquulka Ah

Liverpool ayaa tartanka Champions League ee xili ciyaareedkani uu ugu bilaabmayaa safar ay ku joogto waddanka Netherlands oo ay ugu tagtay Ajax, halkaas oo caawa ay kulan adag jilbaha isku dhigan doonaan garoonka Cruyff ArenA.

Labadan kooxood oo ku wada jira Group D ayaa isku-geyn waxay kusoo wada guuleysteen toban koob oo Champions League ah, laakiin kulankoodan ayaa waxa uu yahay midkii ugu horreeyey ee ay marxaladdan oo kale isku beegmaan muddo 54 sannadood ah.

Xili ciyaareedkii 1966-67 ayaa iskugu dambaysay in Ajax iyo Liverpool ay iska hor yimaaddaan, waxaana kulankoodaa iskugu dambeeyey uu ahaa wareegga siddeeda, taas oo 7-3 ay labadii lugood ku badisay Ajax oo uu hormood u ahaa halyeygii reer Netherlands ee Cruyff.

Liverpool oo lagaga soo badiyey 7-2, looguna xigsiiyey barbarro 2-2 ah oo ay wada galeen Everton Sabtidii ayaa waxay marti u tahay Ajax oo ay u baahan yihiin inay guul kala soo laabtaan, iyadoo uu waliba ka maqan yahay difaacooda Virgil van Dijk oo macasalaameeyey xili ciyaareedkan kaddib dhaawac culus oo uu u geystay goolhaye Jordan Pickford.

Kulankan ayaa ugu soo beegmay Liverpool xilli xun oo ay hadheeyeen dhaawacyo, guulana aanay gaadhin labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Thiago Alcantara iyo Joel Matip ayaa iyaguna ciyaartan ku seegaya dhaawacyo, waxaana uu Jurgen Klopp ka hor tegayaa Ajax iyadoo ay doorashooyinku ku yar yihiin oo ay hubaal tahay inay ka liitaan sidii ay ahaan jireen.

Kooxda koobkan Champions League ku guuleysatay xili ciyaareedkii 2018-19, waxay caawa mari doontaa imtixaan adag oo qalinka loo qaadin doono in la qiimeeyo sida ay u ciyaari karayaan Van Dijk oo maqan iyo difaacooda oo tayadii ka maqan tahay, taas oo ay u dheer tahay in Joe Gomez uu kalidii yahay oo ciyaartoy khadka dhexe ah garabkiisa la keeni doono.

Dhinaca kale, Ajax oo lixdii jeer ee  ugu dambeeyey ee  kooxo Ingiriis ah ay ka hor tagto mar kaliya guuleysatay ayaa waxa uu tababare Erik ten Hag haystaa koox uu isku dubba-ritay kaddib xiddigihii waaweynaa ee ay lumiyeen sida Frenkie de Jong, De Ligt, Donny van de Beek iyo Hakim Ziyech.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Ajax vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: John Cruyff ArenA.

Garsooraha: Felix Brych (Germany)

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Liverpool ayaa ahaan doonta Van Dijk la’aantii xili ciyaareedkan oo dhan, waxaana u raacay Thiago Alcantara oo isagana uu dhaawac u geystay Richarlison oo kaadh cas ku qaatay laakiin la  filayo in ciyaartan oo kaliya uu seego.

Difaaca reer Cameroon ee Jol Matip oo kulankii Sabtidii ciyaaray ayaa ku laabtay dhaawac kale oo kasoo gaadhay muruqa, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Fabinho uu ka ciyaari doono difaaca oo Gomez ay is garab istaagi doonaan.

Naby Keita ayaa usoo laabtay kooxdiisa markii uu soo dhamaystay karantiilka Korona Fayras oo ku dhacay.

Alisson Becker iyo Alex Oxlade-Chamberlain ayaa iyaguna dhaawacyo ku maqan.

Ajax waxa dhinaceeda usoo laabtay Quincy Promes iyo Antony oo kaydka fadhiyey ciyaartii usbuucan ee Heerenveen, taas  oo Tadic uu goolal u dhaliyey.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood:

Ajax: Onana; Mazraoui, Schuurs, Blind, Tagliafico; Klaassen, Kudus, Promes; Neres, Tadic, Antony

Liverpool: Adrian; Alexander-Arnold, Fabinho, Gomez, Robertson; Keita, Henderson, Wijnaldum; Salah, Firmino, Mane.

Kulanka Manchester City vs Porto

Pep Guardiola ayaa sii ahaan doona Kevin de Bruyne la’aantii, waxaana laacibka reer Belgium uu hore u seegay kulankii Arsenal ee toddobaadkan.

Labada difaac ee Aymeric Laporte iyo Benjamin Mendy ayaa daaweyn loo samaynayay usbuucan, waxaase soo kabtay Sergio Aguero waxaanu sii ahaan doonaa hoggaamiyaha weerarka maadaama uu maqan yahay Gabriel Jesus.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Manchester City: Ederson; Walker, Dias, Ake, Cancelo; Rodri, Gundogan, Foden; Torres, Aguero, Sterling

Porto: Marchesin; Manafa, Mbemba, Pepe, Sanusi; Oliveira, Otavio, Uribe; Corona, Marega, Anderson

Waqtiga: 10 pm – Saacadda Geeska Afrika

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More