Goorma ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada

Shalay waxaa idlaaday muddo ballameedkii 10-ka cishe ahaa ee Hogaamiyayaasha DFS & Dowlad Goboleedyada ay ku heshiiyeen in lagu soo gaba-gabeeyo magacaabista min labada xubnood ee Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21.

Muddo ballameedkii wuu idlaaday, ilaa haatan Gacanta laguma hayo xubno magacaaban, balse waxaa jira ballanqaadyo afeed oo ah in maamul Goboleedyada qaar ay diyaariyeen xubnahaas laga sugayo.

Cumar Maxamed Cabdulle (Cumar Dhagey) La taliyaha Arrimaha Doorashooyinka Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in maanta lasoo gaba-gabeynayo, isla markaana lagu dhawaaqayo.

Waxa uu magac tilmaamay DG Koofur Galbeed & Jubbaland in ay soo wareejiyeen magacyada min labada xubnood ee Guddiga farsamada ah, halka maanta la sugayo Puntland, Galmudug & Hir-Shabeelle.

La  taliyaha Arrimaha Doorashooyinka Raysul Wasaaraha XFS ayaa xusay in 7-dii bishaan in warqad xusuusin ah Madax Goboleedyada uu u diray Raysul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Jubbaland ayaa soo gudbiyay xubnaha Guddiyada ah ee laga sugayay si ay ugu shaqeeyaan arrimaha Doorashada iyada oo la raacayo shuruudaha ku xusan qofka kamid noqonaya xubnaha Guddiga” Sidaasi waxaa yiri La taliyaha Arrimaha Doorashooyinka RW XFS Cumar Dhagey.

Sababta dib u dhaca waqtiyeed ee Magacaabista waxa uu qiil uga dhigay shuruudaha laga doonayo qofka kamid noqonaya Xubnaha Guddiga farsamo & Xalinta Khilaafaadka, maadaama howsha ugu badan ee Doorashada la xiriirta ay qabanayaan.

Waa uu sii hadlay waxa uuna yiri “Dib u dhaca kooban ma saameynayo Doorashada Dalka, waa howlo farsamo, maadaama habraaca ku xusan shuruudaha doorashada la raacayo, aan ka warsugno oo yaan saadaal xun ka bixin in waqtiga doorashadu dib uga dhaceyso xiliga lagu heshiiyay, balse rajo wanaagsan aynu muujino, waana aaminsanahay taas”.

Guddiga farsamada & Xalinta khilaafaadka Doorashada ayaa marka lasoo wada gudbiyo kulan yeelanaya si ay isaga dhex doortaan Guddoomiyaha ugu da’da weyn oo si KMG ah u abaabulaya doorashada dhexdooda, bilawga bisha Nofeembar waxa ay waji doonaan howsha ugu culus oo ah diyaarinta, Hubinta iyo Xareynta Ergada Beelaha Kuraasta BFS.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More