Skip to content
Sunday, October 11, 2026 28 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:33
Muqdisho 26°C
Breaking: Nepal Urges Villagers to Evacuate After River Flooding
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Sawirro: Rooble oo soo dhoweyn heer sarre ah loogu sameeyay …

Follow
Newsroom published Updated 5 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Muqdisho (Axadle) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo bulshada degmada Dayniile ay ugu sameeysay soo dhoweyn heer sarre ah.

Munaasabadda soo dhaweynta ah ayaa waxaa taageero loogu muujinayey hoggaaminta Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ee arrimaha doorashooyinka iyo xasilinta axadle.

- Advertisement -

Ra’iisal wasaaraha oo ka hadlay munaasabaddaas ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta ay u sameeyen bulshada degmada Dayniile, isagoona sheegay inaysan jirin dan gaar ah oo uu ka leeyahay doorashada.

Waxa uu ballan-qaaday in si hufnaan leh oo cadaalad ah uu u fulinayo doorashada la filayo inuu galo dalka, wuxuuna cadeeyay in madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Farmaajo iyo musharaxiinta mucaaridka ay u wada siman yihiin.

“Waan uga mahadcelinayaa bulshada Dayniile soo dhaweynta iyo taageerada ay ii muujiyeen. Shacabka Soomaaliyeed waxaan u caddeynayaa in aanan dan gaar ah ka lahayn doorashada. Musharraxiinta oo dhami way ii siman yihiin, waana in aan dalka gaarsiinnaa doorasho innagoo garbaha is haysanna,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay in dalka uu aado doorasho xor iyo xalaal ah, isaga oo ka fogaanaya in uu dhinacna garabka saaro.

Ra’iisal wasaaraha ayaa muddooyinkii dambe dadaal badan ugu jirey sidii dalka uga dhici laheyd doorasho wada-ogol ah, taasi oo uu dalka u jiheeyay heshiiskii 27-kii May lagu saxiixay Caasimadda Muqdisho.

How do you rate this story?

0 votes