QM oo walaac ka muujisay Xuquuqul Insaanka Soomaaliya & DFS

Isha Dyfan oo katirsan Baarayaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujisay u hoggaansamidda xeerarka xuquuqul insaanka Soomaaliya, waqi dalka ay kusoo wajahan tahay doorashada 20/21.

Waxa ay sheegtay in khubaro madax bannaan ay la wadaageen xaaladda xuquuqda aadanaha oo aan gaarsiiseen darjo sare oo ah meesha loo baahan yahay in la geeyo heerka xuquuqul insaanka Soomaaliya.

Isha Dyfan ayaa xilkaan loo magacaabay Bishii Maarso, kadib markii dunida uu isaga kala gudbay xannuunka Coronavirus oo saameyn taban ku yeeshay nolosha iyo shaqada dad kala duwan, maadaama isu socodkooda la xayiray.

Waxa ay indha-indheyn ku waday xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya, iyada oo la kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshada si ay uga xog-dhageysato heerka xuquuqul Insaanka Dalka uu gaarsiisan yahay.

“Waxaa jiray Weeraro ka dhan ah xarun daryeel caafimaad iyo shaqaale samafal, isticmaalka awood xad dhaaf ah oo ay adeegsadeen Hay’adda sharci fulinta, taas oo sababtay dhimashada dadka rayid ah, xadgudubyada xuquuqda xorriyada hadalka, aragtida, kororka rabshadaha Jinsiga iyo dhibaatooyin kale” sidaasi ayay ku sheegtay Warbixinta Isha Dyfan ay kasoo saartay Xaaladda bani aadamnimo ee Soomaaliya.

Dyfan ayaa sheegtay in ay joogto noqdeen tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo Gabdhaha, taasina ay sii murjisay xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, iyada oo tusaale usoo qaadatay dhibaatooyinka kufsiga la xiriira.

Abyan Maxamed Saalax, safiirka Soomaaliya u qaabilsan Switzerland iyo Austria ayaa gaashaanka ku dhufatay eedeyntaas, waxaana ay xustay in waddanka uusan ammaan iyo amni heli karin iyada oo aan la ilaalin xuquuqda aadanaha.

Isha: VOA News Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More