Maxkamad qaadeysa dacwad ka dhan Rag loo heysto weerarkii

Maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi xarunta dalka Kenya waxaa maanta la horgeynayaa Saddex ruux oo loo heysto ku lug lahaanta weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Suuqa Westgate Mall sanadkii 2013-kii.

Saddexdaan ruux Waxa ay ku eedeysan yihiin caawinta kooxdii weerarka ku gashay Suuqa 21-kii September oo ka dhex dagaalameysay ilaa 24-kii bishaas gudaha Dhismaha Westgate mall.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaas waa dhimashada ugu yaraan 67-ruux oo ah dadkii suuqa u dukaameysi tagay iyo afar kamid ah kooxda weerarka ka fulisay, dhaawac intaas ka badan iyo burbur gaaray dhismaha iyo goobaha ku dhexyaalla.

Saddexda eedeysane waxaa ku marqaati furay in ka badan 140-ruux oo marar kala duwan la wareystay lagana qoray xogta ay bixiyeen, balse waa ay beeniyeen eedeysanayaasha qiraalka marag-furkaas.

Ehelka dadka lagu dilay weerarkaas ayaa Maxkamadda dhawaan ka dalbaday in la ciqaabo shaqsiyaadka ku eedeysan fulinta & fududeynta weerarkaas Al-Shabaab dusha saaratay marka lagu caddeeyo kiiskaan.

Teleefishinka Citizen ayaa baahiyay magacyada Afar oo loo heysto basaasidda weerarkii Westgate waxa ay kala yihiin: Xuseen Xasan Mustaf, Aadan Deeq, Liibaan Cabdullaahi Cumar & Maxamed Axmed Cabdi, balse lama shaacin qofka laga reebay kiiskaan, maadaama saddex ruux oo kaliya la maxkamadeynayo.

Xuseen Xasan Mustaf, Aadan Deeq, Liibaan Cabdullaahi Cumar & Maxamed Axmed Cabdi waa ragga wajahaya Maxkamadda Milimami ee Nairobi.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More