Kenya oo ciidamo lagu tababaray xaallad Coronavirus ah u soo

Taliska ciidamada difaaca Kenya ee looyaqaano KDF ayaa diyaarinaya 600 oo ciidamo dheeraad ah kuwaasoo ay ku biirinayaan cutubyadooda qaybta ka ah Howlgalka Nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM.

Sidda uu Qoray bogga Pulselive, askartan ayaa noqonaya dufcadii koowaad ee lagu tababaro mar-xalad ay jirto aafada caalmiga ah ee Covid 19, waxaana tababaraya ciidamo British ah, sidda ku xusan warbixinta.

Safaaradda Ingiriiska ee Kenya oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa sheegay in daabulitaanka ciidanka ay xoojineyso nabada, xasiloonida iyo ka hortago weerarada Al Shabaab waxaana lagu tababaray Saldhig ku yaala ismaamulka Samburu ee dalka Kenya.

“UK waxay xiriir qoto dheer oo muhiim ah ay la leedahay Kenya, waxaana aan taageereynaa shaqada ay ku horumarinayaan nabada iyo xasiloonida” ayaa lagu yiri qoraalkan Safaaradda.

Inkasta oo dhimis ay ku socoto sabab ku aadan dhaqan-gelinta Qorshaha Kala-guurka ee dhigaya in Soomaalida la wareegaan amnigooda, tirada ciidamada Kenya ee ka diiwaan-gishan AMISOM waxay dhan tahay 3,664.

“Waxaan kaloo la shaqeyneynaa Midowga Afrika si ay isku dhisto iyada iyo dowladaha xubnaha ka ah, una hesho awood ay kaga hortagto, ku maareyso kagana jawaabto colaadaha Qaarada, una xoojiso awooda dowladaha ku taakuleeyay ciidamada sida Kenya oo door ku leh AU-da ama howlgalada nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay sidda AMISOM” sidaas waxaa ku yiri qoraalka Julius Court, oo ah ku xigeenka ergayga Britain u fadhia Nairobi.

Sikastay ahaato, wallow caafimaadkooda la hubin doono kahor socdaalka, maadaama wali Kenya ay ku jirto xaalad u muuqata qas ah oo ah Covid-19, ciidamada cusub waxay waxyeelayn karaa kuwa ay kusoo biirayaan ee ku sugan Soomaaliya.

Howlgalka Midobay Afrika ee Soomaaliya ayaa cadeeyay Bilawgii faafitaanka Xanuunka Coronavirus in aysan jiri doonin ciidamo ka tirsan AMISOM oo isbadal lagu samaynayo ama dalka la keenayo si loo xakameeyo faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Pulselive/Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More