Jubbaland ayaa shaki weyn ka muujisay go’aanka doorashada Farmaajo – Axadle

Muqdisho (Axadle) Wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen Sheekh Maxamed oo wareysi gaar ah siiyay idaacada VOA ayaa ka hadlay go’aankii madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ku shaaciyay inuu ku wareejiyay doorashada dalka iyo amniga ku simaha ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble …

- Advertisement -

Wasiirka ayaa shaki galiyay go’aanka Farmaajo wuxuuna cadeeyay in Jubbaland aan la aamini doonin ilaa inta gebi ahaanba laga dhiibo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in wali la sugayo xil wareejinta Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Maxamed C / laahi Farmaajo.

“Ma dhamaan oo wareejinta awooda madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ma ahan sidii la rabay, waxaa u wanaagsan inuu iska horkeeno ciidanka, ma ahan inuu kaliya ku wareejiyo doorashada, walina wuxuu mas’uul ka yahay ciidanka waana inuu Saxeex. Warqad sagootin iyo amar ah, ayuu yidhi Eng Cabdi Xuseen.

Wuxuu intaas ku daray in Farmaajo uu gadaal ka laabanayo isagoo isku dayaya inuu wax ka qabto amniga iyo doorashooyinka dalka.

Ugu dambeyntiina wuxuu carrabka ku adkeeyay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso in hoggaanka lagu wareejiyo Rooble, laakiin ay tahay in gebi ahaanba lagu wareejiyo.

Hadalkan ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu shalay baarlamaanka kaga dhawaaqay inuu xilka ku wareejiyay Raisul wasaare Rooble.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More