Hubkii Ahlusunna oo la isku haysto & Haramcad oo lageeyay

Wararka ka imaanaya magaaladda Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in la isku haysto hub ay lehayd Ahlusunna gaar ahaan Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo lagala baxay xarunta madaxtooyada Dowlad-goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Axadle ayaa ogaatay in hubkii uu lahaa Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo laga soo saaray Xarunta Inji ka dib markii dagaal looga saaray xaruntaasi February 29, 2020 hoggaankii Ahlusunna, kuna xaraynaa Xarunta madaxtooyada Galmudug uu la baxay taliyaha guutada 15 aad ee qaybta 21 aad ee ciidanka Xoogga dalka Generaal Mascuud Maxamed Warsame.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa Axadle u sheegay in madaxweynaha Galmudug markii Dhuusamareeb tagay uu amray in hubka lagu soo celiyo xarunta madaxtooyada hayee ay ka dhaga adaygeen Saraakiisha Dowladda taasi oo dhalisay in uu soo ifbaxo Khilaaf u dhexeeya Taliyaha Guutada 15 aad Mascuud Maxamed Warsame iyo Madaxweyne Qoor qoor.

Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in Madaxweynaha Galmudug uu amray in la soo xiro taliyihii madaxtooyad Najiib Xirsi Dhoore oo lagu tuhunsanyahay in uu hubka ku wareejiyay Generaal Mascuud balse taasi aysan suurta galin walina ay jirto dadaalo lagu doonayo in hubkaasi lagu soo celiyo Xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Dhanka kale magaaladda Dhuusamareeb waxaa maanta gaaray ciidamo ka tirsan Booliska gaarka ah ee Soomaaliya “Haramcad” ku waas oo ka dagay garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladda Dhuusamareeb .

Lama oga ujeedka Ciidankaan hayeeshee warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidankaan ay dalbatay madaxtooyada Galmudug si ay u sugaan amaanka xarunta madaxtooyada maamulkaasi maadaama dhawaan halkaasi lagala baxay hub iyo gadiid dagaal.

“Majirto Xiisad kacsanaan ah balse waxaa jira buuq ka dhashay hubka lagala baxay madaxtooyada “ayuu yiri Sarkaal ka gaabsaday in magiciisa loo adeegsado warbaahinta.

“Dhibka ugu wayn waxa uu yimid markii Galmudug sheegtay in ay dhisayso ciidamo daraawiish ah, deegaanadana waxaa ku sugan ciidamo ka amar qaata Dowladda” ayuu hadalkiisa raaciyay sarkaalka.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale maanta safar dhanka lugta ah ugu ambabaxay magaaladda Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaana socdaalkiisu salku hayaa tababar loo soo xirayo ciidamo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo mudooyinkii dambe tababar u soconaayay.

Horaantii Sanadkaan markii Dhuusamareeb laga saaray hoggaankii Ahlusunna ka dib dagaal socday ku dhawaad 24 saac, Macalin Maxamuud iyo Sheekh Shaakir ayaa sheegay in ay hubkooda iyo ciidankooda ku wareejiyeen Generaal Mascuud Maxamed Warsame oo horay uga tirsanaa Saraakiisha Ahlusunna.

Axadle: Dhuusamareeb.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More