Skip to content
Monday, October 19, 2026 7 Jumada al-Ula 1448 AH Fajr 04:31
Muqdisho 25°C
Breaking: Remembrance Serves as a Tool for Preventing Future Violence
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Somalia English

Gobaladda Waqooyi oo labo ruux u xirtay Kiristaameynta Dadka! –

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
Gobaladda-Waqooyi-oo-labo-ruux-u-xirtay-Kiristaameynta-Dadka

Taliska Booliiska Gobaladda Waqooyi ayaa sheegay in uu xiray labo ruux oo ku eedeysan kiristaameynta dadka ku sugan Magaalada Hargeysa Xarunta maamulkaas, kadib markii xogtooda lagu wargeliyay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Gobaladda Waqooyi G/sare Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono labadaan ruux ee ka baxday Diinta Islaamka, isla markaana faafinaya kiristanka.

- Advertisement -

Xiis ayaa sheegay in xeer ilaalinta Gobaladda Waqooyi lagu wargeliyay kiis dacweedka ka dhanka ah labadaan eedeysane, si la isugu duwo dacwadda ka dhanka ah ee loo xiray, loona maxkamadeeyo.

Labadaan ruux oo magacooda la qariyay ayuu Afhayeenka Booliiska Gobaladda Waqooyi ku sheegay in ay aqoon u leeyihiin Diinta Islaamka oo ay ka baxeen iyo Fiqiga, tababarna u heystaan sida dadka loo kiristaameeyo.

“Todobaadkii lasoo dhaafay waxa ay Ciidanka Booliiska Gobaladda Waqooyi soo qabteen labo nin oo diinka islaamka ka baxay, waxa ay ku guda jireen kiristaameynta dadka, labadaan qof oo yaqaana Diinta ay ka baxeen & Fiqiga” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Ciidanka Booliiska Gobaladda Waqooyi.

Afhayeenka laamaha ammaanka Gobaladda Waqooyi ayaa Shacabka ka dalbaday in ay la wadaagaan xogta shaqsiyaadka kale ee ku howlan kiristaameynta dadka, Ciidanka Booliiska dhankooda waxa uu u jeediyay in ay ka feejignaadaan falalkaan.

Axadle

How do you rate this story?

0 votes