Koonfur Afrika ayaa ka codsatay Malawi, Nigeria iyo Itoobiya in ay dib u bixiyaan kharashaadka lagu tarxiilay muwaadiniintooda, xilli ay socdaan mudaharaadyo la xiriira tahriibka sharci-darrada ah, tallaabadaas oo falanqeeyayaashu sheegeen inay sii kordhisay xiisadda diblomaasiyadeed. Codsigan ayaa yimid kaddib warbixin loo gudbiyay Baarlamaanka oo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ku shaacisay in howlaha tarxiilku ay cuneen miisaaniyad shan jeer ka badan tii loo oggolaaday.
Tirooyinka ka soo baxay Arrimaha Gudaha ayaa muujinaya in ku dhowaad 83,000 oo muhaajiriin ah ay soo mareen Xarunta Dib-u-celinta Lindela ee Johannesburg. “Arrintan miisaaniyad uma aynaan qorshayn… Sidaas darteed ilaa maanta, tani waa inta aan ku bixinay: R292 milyan,” ayuu Agaasimaha Guud ee Arrimaha Gudaha, Livhuwani Tommy Makhode, u sheegay xildhibaannada.
- Advertisement -
Midkoodna saddexdaas dowladood kama aysan jawaabin codsiga Koonfur Afrika ee dib-u-bixinta kharashaadka.