Zlatan Ibrahimovic Oo Go’aamiyey Natiijada Milan Derbay,

AC Milan ayaa guul ay ku rafaadday ka gaadhay kooxda ay isku magaalada iyo garoonkaba yihiin ee Inter Milan, taas oo ay ku garaacday 2-1.Zlatan Ibrahimovic ayaa AC Milan u dhaliyey laba gool oo saddex daqiiqadood oo kali ahi u dhexeeyeen oo qaybta hore ahaa, waxaana midka hore uu ahaa rikoodhe loo dhigay daqiiqaddii 10aad oo uu goolhaye Samir Handanovic ka qabtay, laakiin uu kubadda dib ugu celiyey oo uu dhaliyey.Goolka labaad ayuu dhaliyey daqiiqaddii 16aad ee ciyaarta waxaanay ahayd kubbad ka timid dhinaca bidix oo uu soo…

Real Madrid Iyo Barcelona Oo Ku Daggaallamay Xiddiga

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaallami doona xiddiga Manchester United khadka dhexe uga ciyaara ee Bruno Fernandes, siddeed bilood kaddib markii uu laacibkani kusoo yimid Old Trafford.Sida uu qoray warrgeyska The Sun ee kasoo baxa England, labada kooxood ee reer Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa si dhow ula socday horumarka ciyaareed ee uu samaynayay Fernandes siddeedii bilood ee uu joogay Manchester United oo £68 milyan oo Gini kagala soo wareegtay Sporting Lisbon bishii January.Bruno Fernandes ayaa la sheegay…

Getafe vs Barcelona – Imtixaanka Koeman Ee Ka Hor El

Barcelona oo ciyaartii ugu dambaysay barbarro la gashay Sevilla ayaa u halgami doonta inay jidka guusha kusoo laabato marka ay caawa tagto garoonka Coliseum Alfonso Perez oo ay ugu diyaarsan tahay Getafe.Tababare Ronaldo Koeman oo ay kooxdiisu hadda fadhido kaalinta shanaad oo ay toddoba dhibcood ku haysato kaddib saddex ciyaarood oo ay dheeshay, waxa sugaya imtixaan adag maadaama Getafe ay wacdaro dhigaysay xili ciyaareedkii hore inkasta oo ay hadda kaalinta toddobaad fadhido oo afar ciyaarood ay ka heshay toddoba dhibcood…

Hordhac: Man City vs Arsenal

Labadii saaxiib ee hore ee dhowaanta noqday xafiiltameyaasha ee Mikel Arteta iyo Pep Guardiola ayaa mar kale maanta iskaga hor iman doona garoonka Etihad Stadium, halkaas oo ay labadooduba ay ugu dagaallami doonaan sidii uu mid walba guushiisa u gaadhi lahaa.Manchester City ayay ciyaartani u timid xilli ay waqti xun ku jiraan oo ay shan dhibcood oo kaliya ka shaqaysteen sagaalkii dhibcood ee suurtogalka ahaa, isla markaana ay kaalinta 10aad kaga jiraan miiska kala-sarraynta kooxaha, halka Arsenal ay sagaal dhibcood haysato…

Hordhac: Everton vs Liverpool | Ancelotti vs Klopp – Kulanka

Kulnakii 288aad ee Merseyside derby ah ayay maanta duhurka iskaga hor imanayaan labada kooxood ee Everton iyo Liverpool, waxaanay jilbaha isku dhiganayaan garoonka Goodison Park oo markii ugu dambaysay ee ay ku kulmeen ahayd bishii June oo ay barbarro goolal la’aan ah ku kala baxeen.Wiilasha tababare Jurgen Klopp ayaa safar gaaban ku tegaya Goodison Park si ay ugu soo laabtaan jidka guusha kaddib guul-darradii ugu xumayd ee abid kasoo gaadhay horyaalka Premier League oo ay Aston Villa 7-2 ugu xambaarisay ciyaartii ugu…

Xiddigaha Kooxda Koowaad Ee Barcelona Oo Diiday Qorshihii

Josep Maria Bartomeu ayaa waji gabax kala kulmay qorshihii uu ku doonayay inuu hoos ugu mushaharka ciyaartoyda kooxda iyo shaqaalaha kaddib markii ciyaartoyda kooxda koowaad ay si buuxda u diideen inay mushaharkooda hoos u dhigaan.Madaxweynaha Barcelona oo culays weyni uu saaran yahay, isla markaana la sheegayo in codka kalsoonida loo qaadayo oo ay suurtogal tahay in xilka laga xayuubiyo inta aanay dhamaanin bishan October, ayaa waxa uu doonayay inuu dhibaatada dhaqaalaha ee kooxda ku habsatay uu xal u helo, si ay suurtogal…

Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Ee

Eder Milato iyo Toni Kroos ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid, waxaana lagu soo daray liiska kulanka Sabtida la ciyaari doona Cadiz.Difaaca reer Brazil ee Militao oo aan hal kulan kasoo muuqan xili ciyaareedkan iyo Toni Kroos oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ka maqnaa ayaa kasoo kabtay dhaawacyo ay ku maqnaayeen, taas oo keentay in Zinedine Zidane uu kusoo daro liiska kooxdiisa.Los Blancos ayaan kulankan heli doonin kubbad-sameeyaha reer Norway ee Martin Odegaard oo dhaawac kasoo gaadhay kulamadii xulka…

“Ninkaa Talyaaniga Ahi Waa Beenaale” – Cristiano Ronaldo Oo

Wasiirka Ciyaaraha waddanka Talyaaniga ayaa shalay ku eedeeyey Cristiano Ronaldo inuu jabiyey sharciga xakamaynta xanuunka Korona Fayras kaddib markii uu dib ugu soo laabtay Talyaaniga isagoo qaba xanuunkan oo isku og, kana soo duulay waddanka Portugal, laakiin Cristiano Ronaldo ayaa kaga jawaabay in eedayntaasi ay tahay mid been ah.Cristiano Ronaldo oo Jimcihii maanta la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inuu u hoggaansamay dhamaan shuruucda waddankaas iyo kuwa ilaalinta xakamaynta xanuunkan oo aanu wax qalad ah samaynin,…

Mikel Arteta Oo Qaadaya Tallaabo Uu Ku Bahdilayo Mesut Ozil

Mikel Arteta ayaa qaadaya tallaabo kale oo axmaqnimo ah oo uu ugu quus-goynayo Mesut Ozil, si uu ugu qasbo inuu iskaga tago Arsenal.Inkasta oo uu tababaraha reer Spain ku dooday in dhamaan ciyaartoydiisu ay fursado isku mid ah leeyihiin oo aanu kala jeclaysan, haddana waxa uu ku kacayaa fal kale oo uu ku bahdilayo Mesut Ozil oo toddobaadkan u dabbaal-degay sannad-guuradiisa 32 jirka.Mikel Arteta ayaa horraantii bishan waxa uu Mesut Ozil ka reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-gelaya tartanka Euorpa League, taas oo ka…

Ronald Koeman Oo Soo Saaray Xiddigaha Kooxdiisa Ee Kulanka

Ronald Koeman ayaa ku dhawaaqay liiska kooxdiisa Barcelona adag ee Sabtida berri ay safarka ugu tegayaan Getafe, taas oo ay u baahan yihiin inay ku soo laabtaan jidka guusha kaddib barbarrihii ay ciyaartii ugu dambaysay la galeen Sevilla.Tababaraha reer Netherlands ayaa shaaciyey magacyada 23ka ciyaartoy ee kulanka Getafe, waxaana ku jira difaaca bidix ee Junior Firpo oo helay ogolaanshaha dhakhaatiirta kaddib markii uu kasoo laabtay dhaawac, waxaana soo laabashadiisu ay meesha ka saartay da’yarka Konrad de la…