Tirada Xiddigaha Uu Korona Fayras Ku Dhacay Iyagoo

Cristiano Ronaldo ayaa ah ciyaartoyga ugu magaca weyn ee uu illaa hadda ku dhacay Korona Fayras isaga oo ku maqan xulka qarankiisa Portugal, waxaanay taasi madax xanuun ku keentay kooxdiisa oo muddo 19 maalmood ah uu uga maqnaa xanuunkan, laakiin haddana kalidii maaha.Tiro ciyaartoyda horyaalka Premier League ah ayaa guryahooda lagu ooday markii uu xanuunku haleelay iyagoo waddamadooda ugu maqan ciyaaraha qaramada, gaar ahaan tartamada UEFA Natioins League. Waxaaba kasii daran in ciyaartoy badan uu Covid-19 ugu dhacay kulamo…

Carlos Tevez Oo Magacaabay Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Abid

Carlos Tevez ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu fiicnayd ee uu ka garab ciyaaray sannadihii badnaa ee uu garoomada ku jiray, waxaanu liiskiisa kusoo daray toddoba ciyaartoy oo Manchester United ka tirsan.Laacibkan hore ee West Ham United, Manchester United iyo Juventus ayaa iska indho tiray inuu ciyaartooyo kasoo qaato Manchester City oo uu ku qaatay muddo ka badan intii uu Manchester United joogay.Kooxdii yaraantiisii ee Boca Juniors, mar dambena uu dib ugu laabtay ayaa uu dhowaan ku tilmaamay kooxdii ugu fiicnayd ee abid…

11kii Saxeex Ee Ugu Qaalisanaa Arsenal Iyo Xaaladaha Ay Ku

Arsenal ayaa kulankeedii ugu dambeeyey bahdilaad 3-0 ah loogu geystay garoonkeeda, waxaana ku dubatay Aston Villa oo siday doonto ka yeeshay.Natiijadani waxay Gunners ku tuurtay kaalinta 12aad ee horyaalka Premier League iyagoo afar ciyarood oo kaliya guuleystay siddeed kulan oo ay ciyaartay.Inkasta oo niyadsamaan loo muujinayay, haddana way muuqataa in aanay marnaba la tartami karaynin kooxaha waaweyn, waxaanay jamaahiirta Arsenal haddaba niyadda sii gashanayaan inay adag tahay in xataa ay afarta kooxood ee ugu sarreeya…

Afar Ciyaartoy Oo Si Xor Ah Uga Tegi Doona Manchester City

Manchester City ayaa halis ugu jirta inay weydo afar ka mid ah xiddigaheeda oo si bilaash ah uga tegi doona bilo kaddib marka la gaadho waqtigii uu qandaraaskoodu ku ekaa.City oo hore u lumisay Leroy Sane oo ay ku qasbnaatay inay iibiso markii uu bilaabmayay sannadkii ugu dambeeyey ee qandaraaskiisu, isla markaana uu diiday inuu heshiiska cusboonayso, ayaa waxa kale oo ay hadda khatar ugu jirtaa in afar laacib oo kale ay albaabka ka baxaan.Inkasta oo lagu qasbay inay iibiyaan Leroy Sane oo £40 milyan oo Gini ay ka heleen,…

Ciyaartoy Uu Hayey Korona Fayras Oo 45 Daqiiqadood Ciyaaray

Kulamadii qaramada ee xalay ayay arrin argagax leh ka dhacday kaddib markii la ogaaday in laacib muddo 45 daqiiqadood garoonka ku jiray oo dhamaystay qaybtii hore uu qabo xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu dhamaan ciyaartoydii garoonka ku jirtay galaangal la yeeshay.Kulankii Croatia iyo Turkey ayaa isku beddelay mid shaki iyo sas ah oo ay ciyaartoydu ka qaadeen baqdin aan la koobi karaynin, kaddib markii ay ogaadeen in difaaca ahna kabtanka xulka qaranka Croatia ee Domgoj Vida oo qaba Korona Fayras uu 45kii daqiiqadood…

Miyuu Sharcigu U Ogolaanayaa Liverpool Inay Samayso Saxeex

Liverpool ayuu ku habsaday dhaawac kale oo argagax leh, waxaana liiska xiddigaha aan xisaabta kooxda soo geli doonin xili ciyaareedkan ku biiray difaaca reer England ee Joe Gomez.Laacibkan ayaa la rumaysan yahay in jilibka uu kasoo gaadhay dhaawac culus inkasta oo aanay wali soo bixin baadhitaannadu oo maanta sawirrada laga qaadi doono, waxaanay taasi dhibaato ku tahay Liverpool oo difaac la’aani ku dhacayso.Waxa hore kooxdan uga sii dhaawacnaa Virgil van Dijk oo illaa badhtamaha sannadka dambe ee 2021-ka ka maqnaan doona…

Arsenal Oo Lagu Eedeeyey ‘Laba-Wajiilayn’ Iyo ‘Cunsuriyad’

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu eedeeyey ‘laba-wajiilayn’ iyo cunsuriyad ay ku samaynayso xiddiga muslimka ah ee Mesut Ozil oo laga reebay liiska ciyaartoyda kooxdaas ee tartanka Europa  League iyo sidoo kale Champions League.Golaha Dadka Turkey-ga ah Ee Cyprus (The Council of Turkish Cypriot Associations) ayaa warqad furan u diray Arsenal Arbacadii shalay, waxaanay ku dhalleeceeyeen sida ay kooxdaasi ula dhaqmayso xiddiga Muslimka ah ee koobka Adduunka kula guuleystay Jarmalka.Warqaddu waxa kale oo ay ku eedaysay…

Waa Kuma Ciyaartoyga Dhaawaca U Geystay Difaaca Liverpool Ee

Difaaca Liverpool ee Joe Gomez ayaa dhaawac looga saaray xulka qaranka England ee tababarka qaadanayay shalay, kaddib dhaawac halis ah oo soo gaadhay.Tababaraha xulka qaranka England oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyey in Gomez uu dhaawac soo gaadhay, isla markaana uu ka tirtiray liiska xulka qarankiisa ee kulamada soo socda.Laacibkan ayaa mari doona baadhitaano ay kooxdiisa Liverpool ku samayn doonto, waxaana laga qaadi doonaa sawirro lagu ogaanayo sida uu yahay dhaawaciisu iyadoo markaa kaddibna go’aan…

Heshiiskiisii Real Madrid Ayaa La Kansalay, Fiorentina Ayaa

Noloshu way wajiyo badan tahay, mar ay kuu wanaagsan tahay oo aad farxad ku sugan tahay iyo waqti adag oo samirkeeda lagaa rabo.Pedro Guilherme Abreu dos Santos oo ay da’diisu tahay 23 jir, waxa uu caan ka yahay waddanka Brazil. Waa xiddiga Flamengo ee tobanka gool u dhaliyey kooxdiisa 18 kulan oo xili ciyaareedkan ah, waxaana farxaddan uu ku jiro uga horreeyey xilliyo murugo oo mugdi geliyey mustaqbalkiisa.Weeraryahankan ayaa looga yeedhay xulka qaranka Brazil oo uu u xidhan doono No.9 kulamada saaxiibtinimo balse…

Kaddib Dhaawacii Gomez, Waa Kuwan SHAN Difaac Oo Dunidu

Jurgen Klopp ayaa ku qasban inuu ka laabto go’aankiisii ahaa in aanu lasoo saxeexan doonin difaac marka la gaadho bisha Januay, iyadoo uu hadalkaasna jeediyey xagaagii oo uu diiday in kooxdiisu u baahan tahay difaacyahanno.Tababaraha reer Germany ayaa hadda suuqa indho-indhaynaya, waxaanu niyadda ka jeclaysanayaa haddii waqtigu soo degdegi lahaa oo bisha January ay toddobaadkan bilaabmi lahayd, si uu ula soo saxeexdo difaacyahanno cusub.Reds oo uu bishii hore ka dhaawacmay Virgil van Dijk oo xili ciyaareedkan oo dhan…