Mastodon

Kaddib Guul-darradii Clasico, Barcelona Oo Lagu Wargeliyey

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war kale oo aanay ku farxin uu soo gaadhay saacado kaddib markii ay guul-darrada 1-3 ah ee ay Real Madrid ugu xambaarisay garoonka Camp Nou.Lionel Messi iyo Philippe Coutinho ayaa Barcelona hoggaamiyeyaasheeda ahaa kulankii Real Madrid waxayse labadooduba ku guul-darraysteen inay shabaqa soo taabtaan iyadoo goolka madiga ah ee ay kooxdoodu dhalisayna uu taariikhda ku galay da’yarka Ansu Fati.Laacibka reer Brazil ee Coutinho ayaa dhaawac kasoo gaadhay muruqa intii ay socotay ciyaartaasi,…

Lacagta Arsenal Kaga Baxday Mesut Ozil TODDOBADII Sannadood

Maalintii ugu dambaysay suuqii xagaaga 2013kii ayay Arsenal lasoo saxeexatay Mesut Ozil oo waqtigaas noqday ciyaartoygii ugu qaalisanaa kaddib markii ay Real Madrid u shubtay lacag dhan £42.4 milyan oo Gini.Kubbad-sameeyahan ayaa qayb ka noqday jiilkii uu gacanta ku dhigay Arsene Wenger, waxaana dhamaadka shantiisii sannadood ee hore loo kordhiyey qandaraaska iyadoo mushaharkana sare loogu qaaday.Markii ay Arsenal lasoo saxeexanaysay, Ozil waxa Real Madrid uga diiwaangashanayd in labadii ciyaarood ee kasta uu ugu yaraan hal…

Lionel Messi Oo Inkaari Kaga Ku Habsatey Kulamada El Clasico Tan

Lionel Messi ayay inkaari kaga dhacday kulamada Clasico ee kooxdiisa Barcelona iyo Real Madrid, tan iyo intii uu horyaalka Spain ka tegay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo. Messi oo ah dhaliyaha ugu weyn ee ay Barcelona haysato, iyo xiddiga ay guulaha ka sugaan ayaan wax gool ah ka dhalinin Real Madrid tan iyo intii uu Ronaldo ka tegay kooxda ka dhisan caasimadda Spain. Toddoba jeer oo ay iska hor yimaaddeen Real Madrid iyo Barcelona ayuu Messi garoonka ka baxay isaga oo aan shabaqa soo taabanin, waxaana ugu…

Xiddig Lacag Qaali Ah Ugu Yimid Manchester United Oo Lagula

Khabiirka kubadda cagta ee Paul Ince ayaa rumaysan in Manchester United ay iibin doonto Paul Pogba kaddib kulankii barbarraha 0-0 ku dhamaaday ee garoonka Old Trafford ku dhex maray Man United iyo Chelsea.Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey kusoo bilowday kaydka Manchester United iyadoo uu tababare Ole Gunnar Solskjaer soo geliyey qaybtii dambe.Laakiin Ince ayaa dareensan inay ahayd in Pogba uu kasoo horreeyo Fred ama Scott McTominay oo uu ciyaartii Chelsea kusoo bilowdo, isla…

“Insha Allah Waa Dagaalkii Iigu Dambeeyey, Geeridii Abbahay

Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Nurmagomedov ayaa ku qasbay Justin Gaethje inuu gargaar weydiisto garsooraha ciyaarta, isla markaana la joojiyo ciyaarta oo socota, kaddib markii uu Khabib Nurmagomedov qoorta kaga qabtay labadiisa lugood oo uu kusoo laabtay, taas oo keentay in feedhkaasi si degdeg ah usoo dhamaado.Khabib Nurmagomedov ayaa xalay mar kale la guddoonsiiyey dagaalka iskugu jira feedhka, laagga, legdinta iyo xuurtooyinka ee loo yaqaano UFC gaar ahaan miisaanka UFC 254.Khabib oo haysta rikoodh 29-0 ah oo aan…

Jurgen Klopp Oo Canaantay Weeraryahannada Liverpool Ee Mane,

Jurgen Klopp ayaa weerar afka ah ku qaaday weeraryahannada kooxdiisa Liverpool markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay xalay dirqiga kaga badiyeen Sheffield United.Liverpool ayaa laba gool ku beddeshay gool rikoodhe ahaa oo Sheffield United ay kala hormartay, waxaana ay libntani siisay in ay figta sare ee horyaalka ku wada fadhiistaan Everton oo ay min 13 dhibcood haystaan, laakiin kooxda tababare Ancelotti ayaa maanta ciyaaraysa kulankeeda usbuucan.Sander Berger ayaa rikoodhe uu muran ku jiray gool ugu beddelay Sheffield…

Patrice Evra Oo Magacaabay Xiddigihii Ugu Fiicnaa Kulankii

Patrice Evra ayaa dhulka ku jiiday ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester United iyo Chelsea ee shalay barbarraha  goolal la’aanta ah ku kala baxay kulankoodii Old Trafford.Ole Gunnar Solskjaer iyo Frank Lampard ayaa kulan si weyn loo sugayay waxay ku dhamaysteen goolal la’aan iyadoo ay waliba yaraayeen fursadaha ay kooxahoodu heleen, taas oo la moodayay inay kala baqayeen amaba ay heshiis ku ahaayeen in aanay wax goolal ah kala dhalinin.Patrice Evra oo ku jiray falanqeeyeyaashhii ciyaarta ayaa waxa uu dhaliillay…

Liverpool Oo Guul Cidhiidhi Ah Ka Gaartey Sheffield United

Liverpool ayaa guul soo laabasho ah ka gaadhay Sheffield United oo ay isku haleeleen garoonka Anfield, taas oo Reds ay ugu soo laabatay jidka guusha.Sheffield United ayaa gool rikoodhe ahaa kala hormartay Liverpool daqiiqaddii 13aad ee ciyaarta kaddib markii uu Fabinho qalad ku galay McBurnie oo lugaha kula jiray xerada ganaaxa, waxaana gool u sarrifay rikoodhahan Sander Berge.Liverpool ayaa dhamaadka qaybta hore la timid goolka barbarraha, waxaana kubbad uu meel fog kasoo tuuray Jordan Henderson madax ku qabtay Sadio Mane…

“Ma Fahmi Karayo Sababta Ay Mar Walba Noogu Dhacdo In…..”

Ronald Koeman ayaa dood ka keenay go’aankii Real Madrid lagu siiyey rikoodhaha qaybta labaad ee kulankii El Clasico, taas oo Barcelona lagu garaacay 3-1.Garsoore Juan Martinez Munuera oo VAR-ka hayay ayaa xukumay in Clement Lenglet uu qalad ku galay Sergio Ramos oo uu jiitay iyagoo xerada ganaaxa ku wada jira, waxaana rikoodhaha gool u sarrifay Sergio Ramos oo ciyaarta ka dhigay 2-1 ka hor intii aanu Luka Modric oo beddel kusoo galay waqti dambe soo afjarin rajada Barcelona oo aanu ciyaarta ka dhigin 3-1.Koeman oo…

Muxuu Cristiano Ronaldo Ka Yidhi Guushii Ay Real Madrid

Cristiano Ronaldo ayay u ahayd maalin damaashaad oo uu kooxdiisii hore ee Real Madrid kala qayb-galay dabaal-degga guushii weynayd ee ay ka gaadheen Barcelona.Real Madrid oo labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey laga soo badiyey ayaa u safartay gobolka Catalonia oo garoonka Camp Nou ay ku sugaysay Barcelona, taas oo Zinedine Zidane lasii sheegayay inay shaqadiisu halis geli doonto haddii uu guul kasoo gaadhi waayo, laakiin Los Blancos ayaa awood u yeelatay inay si raaxo leh ku badiyaan.Zidane ayaa kaydka dhigay Luka Modric iyo…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More