Chelsea, Barcelona, Real Madrid, Liverpool Iyo 10ka Kooxood

Benfica ayaa noqotay kooxda lacagtii ugu badnayd ka samaysay iibinta ciyaartoydeeda, waxaana tobankii sannadood ee ugu dambeeyey xiddigihii ay iibisay kasoo gashay lacag gaadhaysa £1 bilyan oo Gini.Kooxdan ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxay soo saartay jiil da’yar oo dahabi ah, kuwaas oo ay kujiraan laacibiin ay kasoo iibsatay qaaradda Latin America balse ay markii dambe usii dirtay kooxaha waaweyn ee Serie A, Premier League iyo LaLiga.Atletico Madrid ayaa kaalinta labaad kaga jirta liiska kooxaha faa’iidada badan ee…

Mushaharka Ciyaaryahanadda Manchester United Ee

Manchester United oo sannadihii ugu dambeeyey ku dhibaatoonaysay garoomada, waxay ka mid ahayd kooxaha ugu guulaha badan dunida iyo Ingiriiska gudihiisaba, waxaanay haysataa 20 koob oo horyaalka oo 13 ka mid ah ay qaadday intii horyaalku uu qaatay magaca Premier League.Waxa kale oo ay haystaa 12 FA Cup,l shan League Cup iyo 21 Community Shield. Waxa kale oo u raaca tartamada qaaradda Yurub, iyadoo diiwaankeeda ay ku jiraan Saddex Champions League, hal Europa League iyo koobka la odhan jiray European Cup.Xili ciyaareedkii…

Hasselbaink Oo Magacaabay LABADA Ciyaartoy Oo Haddii Chelsea

Jimmy Floyd Hasselbaink ayaa usoo jeediyey Chelsea inay bishan January lasoo saxeexdaan laba ciyaartoy oo uu rumaysan inay u sahli doonaan inay horyaalka Premier League ku garaacdo Liverpool iyo Man City isla xili-ciyaareedkanba.Blues ayaa hadda ku jirta kaalinta shanaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay saddex dhibcood ka dambeysaa Leicester Ctiy oo hoggaanka haysa, iyadoo afar guulood kasoo heshay siddeeddii ciyaarood ee ay dheeshay.Kooxda tababare Frank Lampard oo xili ciyaareedkii hore ku…

Garsoorihii Ay Liverpool Ka Cabatay Ee David Coote Oo Loo

David Coote ayaa laga beddelay garsooraha VAR ee kulanka adag ee Liverpool ay Axadda toddobaadkan kusoo dhoweyn doonto Leicester City, kaas oo ah mid xaasaasi ah oo ay xamaasaddiisa dabooleen dhaawacyada tirada badan ee ku habsaday Liverpool.David Coote ayaa hore loogu magacaabay inuu noqdo garsooraha VAR-ka fadhiyaya kulankan, hase yeeshee, waxa lagu beddelay Andre Marriner oo shaashadaha iyo kaamirooyinka indhaha ku hayn doona, si uu garsooraha dhexe uga caawiyo haddii qaladaad dhacaan amaba waxyaabo uu arki waayo ay…

20kii Lammaane Ee Goolasha Iyo Caawinta Ugu Badan Ka

20kii ciyaartoy ee sida lamaanaha ah iskaga kaashaday gool-dhalinta iyo caawintii ugu badnayd horyaalka Premier League ayaa la qiimeeyey, waxaana laga soo xulay kuwii sida layaabka lahaa isku fahmi jiray intay garoonka ku jiraan.Xiddigaha lasoo xulay ayaa waxa ku jira kuwa illaa hadda garoomada kusii jira oo bandhig cajiib ah samaynaya, iyo kuwo duqoobay oo mar hore ka fadhiistay ciyaaraha.Weeraryahannada Tottenham ee Harry Kane iyo Son Heung-min oo xili ciyaareedkan dhaliyey goolal badan oo cajioib ah ayaa kusoo baxay…

Wuxuu Galay Safar 20,700 Kiilo Mitir Ah, Wuxuu Soo Laabtay

Zinedine Zidane ayaa kusoo dhoweynaya garoonka tababarka ee Valdebebas laacibka garabka uga ciyaara kooxdiisa ee Vinicius Junior oo kusoo hungoobay safar aad u dheeraa oo 20,700 kiiloo mitir qaatay oo uu ku tegay waddankiisa Brazil isagoo rajaynayay inuu soo helo waqti uu isku muujiyo oo uu indhaha dunida ugu muujiyo inuu u qalmayo inuu joogto ka noqdo xulkiisa iyo Real Madrid intaba.Vinicius Junior waxa safarka dheer ee intaas oo kiiloo mitir qaatay uu kusoo laabanayaa kooxdiisa isagoon hal daqiiqadood na la siinin oo aan…

“Anigu Koox Sumaysan Ayaan La Wareegay” – Mikel Arteta Oo

Tababaraha Arsenal ee Mikel Arteta ayaa weerar ku qaaday macallinkii shaqada uga horreeyey ee Unai Emery, waxaanu tilmaamay inuu kala wareegay ‘jawi sumaysan’ oo ‘naxdin leh’ sidii ay gudaha kooxda koowaad ahay.Arteta ayaa beddelay Emery iyadoo muddo koobanna uu si ku-meelgaadh ah ugu dhexeeyey Ljungberg, laakiin waxa la xasuusan yahay in laacibka khadka dhexe ee Granit Xhaka laga xayuubiyey kabtannimada maalmihii ugu dambeeyey ee tababaraha reer Spain, isla markaana uu ku dhowaa inuu iskaga tago kooxda iyadoo ay…

Ian Wright Oo Saadaaliyey Ciyaarta Xanuunka Badan Ee Jurgen

Halyeyga Ian Wright ayaa usii sheegay jamaahiirta kooxda Liverpool inay isku diyaariyaan toddobaad xanuun badan oo ay guul-darro iyo bahdilaadi iskugu darsami doonto, taas oo aan muddo ka go’i doonin quluubtooda.Kooxda horyaalka difaacanaysa ee Liverpool ayay ka dhaawacan yihiin dersin kooxda koowaad ah, gaar ahaan khadka difaaca sida Virgil van Dijk, Joe Gomez, Fabinho, Andy Robertson iyo Trent Alexander-Arnold.Rhys Williams iyo Jordan Henderson ayaa la saadaalinayaa inay noqon doonaan difaaca dhexe ee ciyaarta Leicester…

Gonzalo Higuain Oo Magacaabay SADDEXDA Xiddig Ee Ugu Fiican

Weeraryahanka reer Argentina ee Gonzalo Higuain  ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee ugu wanaagsan dunida waqtigan, waxaanu meeliska dhigay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo aanu kusoo darin liiskiisa.Gonzalo Higuain oo waqtigan u ciyaara kooxda Maraykanka ka dhisan ee Inter Miami ee uu iska leeyahay David Beckham oo uu ku biiray xagaagii, ayaa waxa uu ka mid yahay 13 ciyaartoy oo nasiibku siiyey inay ka garab ciyaaraan Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi labadaba.Labadan ciyaartoy oo 11 sannadood iska bed-bedelayay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More