Arsenal ayaa gaartay go’aan adag ka dib markii ay shaqada ka ceyriyeen ninkii ahaa astaantoodii garoonka ee lagu naaneesayay Gunnersaurus horaantii isbuucaan, madaama Korona Fayras uu sababay in shaqaale qaar la eryo si mushaharka ka baxa kooxda loo yareeyo.Jerry Quy oo ahaa nin ay jeclaayeen taageerayaasha Arsenal madaama uu ku labisan jiray Daynasoor muddo 27 sanno ah isagoo bilaabay shaqadaan sannadkii 1993kii.Warka shaqada looga ceyriyay ayaa waxaa cambaareeyay taageerayaasha Arsenal.Halyeeyga kooxda Paul Merson ayaa ka…