11kii Xiddig Ee Todobaadkan Ugu Fiicnaa Premier League Oo La

Halyeeyga Premier League Alan Shearer ayaa soo xushay 11kii xiddig ee todobaadkan ugu fiicnaa horyaalka Premier League iyadoo ay shaxda u badan yihiin ciyaartoyda kooxaha hoose ee horyaalka.

Chelsea ayaa labo xiddig ku leh shaxda isbuuca ee uu soo xushay Alan Shearer ka dib barbarihii goolal la’aanta ee ay la galeen kooxda Manchester United.

Goolhaye Mendy oo wacdarro dhigay kulankaas islamarkaana fursado fantastik ahaa ka beeniyay Man United ayaa noqday goolhayihii ugu fiicnaa todobaadkan.

Halka daafaca garab ee Chelsea Ben Chilwell uu isna boos ka helay kooxda isbuuca. Daafaca Tottenham Alderweireld iyo daafaca Southampton Vestergaard ayaa ah labada daafac dhexe ee ugu fiicnaa todobaadkan ka dib guulihii ay la gaareen kooxahooda. Halka Dallas oo wacdarro u dhigay Leeds United kulankii ay xaaqeen Aston Villa uu dhameystirayo daafaca.

Labada khadka dhexe waxaa xiddiga Southampton Ward-Prowse oo qeyb libaax leh ka qaatay guushii ay kooxdiisa ka gaartay kooxda hogaamineysa horyaalka ee Everton iyo xiddiga West Ham Declan Rice.

Garbaha weerarka waxaa tagan xiddiga Cyrtsal Palace Wilfried Zaha iyo xiddiga Liverpool Sadio Mane kaasoo gacan weyn ka geystay labadii gool ee ay Reds kaga badisay Sheffield United.

Weerarka waxaa hogaaminaya Bamford oo seddexleey u dhaliyay Leeds United kulankii ay xaaqeen Aston Villa iyo Danny Ings oo ka caawiyay Southampton gushii Everton.

SHAXDA ISBUUCA EE ALAN SHEARER:

4-4-2: Mendy (Chelsea); Chilwell (Chelsea), Alderweireld (Tottenham), Vestergaard (Southampton), Dallas (Leeds); Ward-Prowse (Southampton), Declan Rice (West Ham), Wilfried Zaha (Crystal Palace), Sadio Mane (Liverpool); Bamford (Leeds), Ings (Southampton)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More