Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Jamaahiirta Chelsea Oo Dalbaday In Shaqada Laga Caydhiyo

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dalbaday in shaqada laga caydhiyo tababarahooda Frank Lampard ka hor inta aanay kooxaha waaweyni ka fogaanin ee aanay rajo la’aan ka noqonin horyaalka xili ciyaareedkan.Chelsea ayaa barbarro xilli dambe ay u dagaallantay la gashay West Brom, waxaana uga horreysay guul-darro weyn oo ay Liverpool ugu xambaarisay garoonkooda Stamford Bridge, waxaanay labadan natiijo jamaahiirta ilowsiiyeen guushii weynayd ee ay kooxdoodu ku furatay horyaalka kulankii koowaad oo ay garaacday…

Thiago Alcantara Iyo Alisson Oo Dhaawacyo Soo Gaadheen Ka

Tababare Jurgen Klopp ayuu walaac soo foodsaaray kaddib markii ay dhaawacyo soo gaadheen laacibka khadka dhexe ay dhowaanta kala soo wareegeen Bayern Munich ee Thiago Alcantara oo qaybtii dambe ee kulankii toddobaadkii hore ee Chelsea ciyaaray iyo goolhaye Alisson Becker.Thiago Alcantara Iyo Alisson ayay dhaawacyoodu kusoo beegmeen maalin ka hor kulanka Arsenal ay ku martigelinayaan garoonka Anfield, kaas oo uu hore uga maqnaa kabtan Jordan Henderson oo Klopp uu xaqiijiyey in uu seegayo kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii…

Danny Murphy Oo Sharraxay Sababta Aany Bruno Fernandes Iyo

Ole Gunnar Solskjaer ayaa looga digay inuu isku dayo inuu isku si u adeegsado labada ciyaartoy ee khadka dhexe uga ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes iyo Pual Pogba.Red Devils ayaa Sabtidii heshay guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan iyadoo guul ay daqiiqaddii 99aad ka gaadhay Brighton uga mahad celisay VAR oo ciyaarta oo 2-2 ku dhamaatay qasab ka dhigtay in dib loo bilaabo oo United la siiyo rikoodhe ay natiijada kaga dhigeen 3-2.Danny Murphy oo ciyaarta daawanayay ayaa waxa uu sheegay in Manchester…

Waa Kuma Xiddiga Mustaqbalka Weyn Ku Lahaa Liverpool Ee

Da’yarka kooxda Liverpool ee Rhian Brewster ayaa lagu soo warramayaa inuu ka cadhaysan yahay kooxdiisa isla markaana uu doonayo inuu iskaga dhaqaajiyo gegida la filayay inuu mustaqbalka wanaagsan ku yeelan doono ee Anfield.Rhian ayaa doonaya inuu u wareego oo uu xidhiidh la sameeyo kooxda Crystal Palace oo heshiis 20 Milyan oo Pound ah ku heli karta balse Liverpool ayaa la diyaar ah arrin kale oo caqabad ku noqonaysa heshiiska.Liverpool qudheeda ayaa doonaysa inay iska iibiso Rhian Brewster kahor xidhitaanka suuqan iyadoo ay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Adag Ee Sheffield United vs

Kooxda xamaasadda badan ee Leeds United ayaa marti u ah Sheffield United oo xili ciyaareedkii hore wacdaro ka dhigtay Premier League, isla markaana boos aan laga filaynin ku dhamaysatay.Tababare Marcelo Bielsa oo labadii ciyaarood ee ay kooxdiisa Leeds United dheeshay kulamada Premier League soo dhalisay 7 gool, iyagana laga dhaliyey 7 gool ayaa waxa uu raadinayaa guushii labaad, iyadoo usbuucii hore ay 4-3 kusoo garaaceen Fulham kaddib wacdarihii ay muujiyeen ciyaartii Liverpool ay ku kala baxeen 4-3.Bielsa ayaa kulankan…

Waxaanu Doonaynaa Inaanu Ka Aargoosano Arsenal – Jurgen

Arsenal ayaa laga sugayaa inay iska soo xaadiriso garoonka Anfield Isniinta toddobaadkan, waxaana ku sugaysa Liverpool oo ay ka go’an tahay inay ka aargoosato kaddib rikoodheyaashii ay kaga qaadday Community Shield iyo barbarro ka horreeyey oo ay wada galeen intii uu Mikel Arteta xilka hayay.Tababare Mikel Arteta ayaa awood u yeeshay inuu gacanta sare ka yeesho Jurgen Klopp, waxaana Arsenal aty 2-1 ku garaacday Liverpool oo ay u xambaarisay guul-darradii saddexaad ee xili ciyaareedkii hore, ka hor intii aanay barbarro 1-1 ah…

Barcelona vs Villarreal – Koeman Oo Kulankii 1aad

Barcelona oo wajiyo cusub kasoo muuqdaan ayaa kulankeedii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan horyaalka Spain ee LaLiga, waxay la ciyaaraysaa Villarreal oo kusoo booqanaysa garoonka Camp Nou, halkaas oo ay jamaahiirtu ka bilaabi doonaan qiimaynta tababarahooda cusub iyo naadiga oo dhalan-geddi badan ku dhacay kaddib dersin ciyaartooyo ah oo laga diray.Tababare Ronald Koeman oo shaqada la wareegay xagaagan ayaa waxa uu caawa kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka ah hoggaaminayaa Barcelona, laakiin ciyaartan ayaa ugu soo…

Ronaldo Nazario Oo Magacaabay Saxeexa Uu Ku Riyoodo Iyo

Halyeyga reer Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa shaaciyey hal ciyaartoy oo uu ku riyoodo saxeexiisa, isla markaana aanu ka laba-labeeyeen oo uu si degdeg ah ugu dhaqaaqi lahaa sidii uu ula soo wareegi lahaa iyo afar ciyaartoy oo ah kuwa ugu wanaagsanaa ee abid dunida soo maray.Ronaldo Nazario oo ay da’diisu tahay 44 jir, waxa uu laba jeer ku guuleystay abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, laakiin waxa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xiddigihii ugu wanaagsanaa ee abid soo maray kubadda cagta, gaar ahaan afka hore ee…

Real Madrid Oo Guushii Koowaad Ee Xili Ciyaareedka Ka Heshay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa guusheedii ugu horreysay ee xili ciyaareedkan waxay ka gaadhay Real Betis oo ay marti u ahayd kuna soo garaacday 3-2.Los Blancos oo koobka difaacanaysa, ciyaartii horena barbarro goolal la’aan ah kusoo kala baxeen Sociedad ayaa guushan ay u horseedeen Vede Valverde iyo Sergio Ramos oo min hal gool u dhaliyey iyo midka saddexaad oo ay iska dhaliyeen difaaca Real Betis.Labada gool ee ay Betis la timid ayaa waxa u dhaliyey Aissa Mandi iyo Willian Carvalho oo qaybtii hore min hal gool…

Ole Gunnar Solskjaer Oo Sharraxay Sababtii Uu Uga Cadhooday

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa daboolka ka qaaday inuu ka cadhooday weeraryahanka Marcus Rashford intii ay socotay ciyaartii ay Manchester United waqtiga oo dhamaaday rikoodhaha loo dhigay ee ay guusha ka gaadheen Brighton.Weeraryahanka reer England ayaa lagu dhaleeceeyey bandhig liita oo uu la yimid kulankii Crystal Palace ee toddobaadkii hore oo uu maqane jooga iska ahaa, laakiin ciyaartii Brighton ayaa uu isbeddel sameeyey, waxaana laga diiday gool uu dhaliyey.Ole Gunnar Solskjaer ayaa tibaaxay inuu jeclaan lahaa in…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More