Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Adag Ee Sheffield United vs

7

Kooxda xamaasadda badan ee Leeds United ayaa marti u ah Sheffield United oo xili ciyaareedkii hore wacdaro ka dhigtay Premier League, isla markaana boos aan laga filaynin ku dhamaysatay.

Tababare Marcelo Bielsa oo labadii ciyaarood ee ay kooxdiisa Leeds United dheeshay kulamada Premier League soo dhalisay 7 gool, iyagana laga dhaliyey 7 gool ayaa waxa uu raadinayaa guushii labaad, iyadoo usbuucii hore ay 4-3 kusoo garaaceen Fulham kaddib wacdarihii ay muujiyeen ciyaartii Liverpool ay ku kala baxeen 4-3.

Bielsa ayaa kulankan kusoo bilaabay weeraryahanka Bamford oo qabashadiisa iyo joojintiisaba difaacu ku dhibaatoodaan, waxaana khadka dhexe ka hagaya saddexda ciyaartoy ee sida fiican iskula haysta, gool dhalintuna u furan tahay ee Klich, Costa iyo Harrison, hase yeeshee Sheffield United ayaa iyaduna la timid shax adag oo ay guusha ku heli karayso.

Tababare Chris Wilder ayaa saddex isbeddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Aston Villa usbuucii hore ee ay guul-darradu kasoo gaadhay, waxaanu khadka dhexe kusoo bilaabay laacibka Chelsea ay amaahda kaga soo qaateen ee Ethan Ampadu oo beddelay John Egan oo ganaax ah, halka Jack Robinson uu kasoo hormaray Jack O’Connel iyo Ben Osborn oo booska ka riixday John Fleck.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More