Barcelona vs Villarreal – Koeman Oo Kulankii 1aad

Barcelona oo wajiyo cusub kasoo muuqdaan ayaa kulankeedii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan horyaalka Spain ee LaLiga, waxay la ciyaaraysaa Villarreal oo kusoo booqanaysa garoonka Camp Nou, halkaas oo ay jamaahiirtu ka bilaabi doonaan qiimaynta tababarahooda cusub iyo naadiga oo dhalan-geddi badan ku dhacay kaddib dersin ciyaartooyo ah oo laga diray.

- Advertisement -

Tababare Ronald Koeman oo shaqada la wareegay xagaagan ayaa waxa uu caawa kulankiisii ugu horreeyey ee horyaalka ah hoggaaminayaa Barcelona, laakiin ciyaartan ayaa ugu soo beegantay xilli xun oo ay sii taagan tahay hadal haynta qaabkii aan fiicnayn ee uu kooxda kaga tegay Luis Suarez iyo farriintii gilgishay naadiga ee ka timid Lionel Messi ee uu ku bahdilay maamulka.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa kulankii ugu horreeyey ee tartan caadi ah kasoo muuqanaya tan iyo markii uu shaaciyey inuu iskaga tegayo naadiga, kaddibna uu dib ugu dhigtay bixitaankiisa xagaaga dambe, laakiin naadiga ayaa isbeddel weyni ka jiri doonaa waxaana kasoo muuqan doona Philippe Coutinho oo kasoo laabtay amaah uu ugu maqnaa Bayern Munich.

Barcelona ayaa xagaagan oodda ka qaadday dersin ciyaartooyo ah, waxaana ka tegay Arthur Melo, Nelson Semedo, Ivan Rakitic, Luis Suarez iyo Arturo Vidal, waxaase u yimid oo boosaskooda soo galay Miralem Pjanic, Trincao, Matheus Fernandes iyo Pedri, laakiin waxa aanay haysanin weeraryahan toos ah oo buuxiya booska Suarez, iyagoo kusoo guul-darraystay inay lasoo saxeexdaan labadii ciyaartoy ee ay sida weyn u raadinayeen ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo Lautaro Martinez.

Bahdilaaddii ay Bayern Munich ugu geysatay tartanka Champions League bishii August oo 8-2 ay ku garaacday ayaa isbeddelka weyn ee ku dhacay kooxdan sababay, waxaanu kulankaasi ahaa kii ugu dambeeyey ee tartan caadi ah.

Laakiin ciyaarta caawa oo ah tii ugu xigtay bahdilkaas ayaa la eegi doonaa sida uu tababare Koeman ugu diyaariyey xiddigihiisa inay ceebtaas iskaga maydhaan, sidoo kalena ay ugu dagaallamayaan inay horyaalka kasoo ceshadaan Real Madrid.

Dhinaca kale, Villarreal oo labadii ciyaarood ee ay soo dheeshay horyaalka xili ciyaareedkan kasoo heshay afar dhibcood oo barbarro iyo badis ahaa, ayaa waxay doonaysaa inay ka faa’iidaysato kala daadsanaanta Barcelona oo ay libinta ka qaadato.

Kooxdan lagu naanayso Yellow Submarine, ayaa horyaalka ku furatay barbarro 1-1 ah oo ay la gashay Huesca, waxayse kaga soo kabatay guul ay toddobaadkii hore ka gaadhay Eibar oo ay kaga adkaatay 2-1 iyadoo ay goolashana u dhaliyeen Gerard Moreno iyo Paco Alcacer.

Tababare Unai Emerey ayaa khibraddiisa iyo waayo aragnimadiisa tababare dib ugu habaynaya Villarreal, waxaanu xagaagii lasoo saxeexday Francis Coquelin iyo Dani Parejo.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Barcelona vs Villarreal

Tartanka: LaLiga

Waqtiga: 10PM – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Camp Nou

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Goolhayaha reer Germany ee Marc-Andre ter Stegen ayaa garoomada kaga maqnaan doona dhaawac jilibka ah tan iyo dhamaadka bisha October, waxaanay taasi fursad siinaysaa Neto oo kusoo bilaaban doona.

Samuel Umtiti iyo Martin Braithwaite ayaa sidoo kale dhaawacyo ku maqan, laakiin Koeman ayaa haysta shax xooggan oo kale oo uu kusoo bilaaban karo.

Philippe Coutinho iyo Ansu Fati ayay u badan tahay inay kasoo wada muuqdaan safka hore oo ay Antoine Griezmann iyo Lionel Messi ku weheliyaan, sidoo kalena Frnkie de Jong iyo Sergio Busquets ayaa lama taabtaan ka ah.

Pjanic ayay u badan tahay inuu kaydka kusoo bilowdo, sidoo kalena Ousmane Dembele oo ay u badan tahay inuu sii joogo oo ay kooxdu ku faro adaygto iyadoo dalabyo badan soo gaadhayaan ayaa isaguna kasoo muuqan doona kaydka.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood

Barcelona: Neto; Roberto, Pique, Lenglet, Alba; De Jong, Busquets; Coutinho, Messi, Fati; Griezmann

Villarreal: Asenjo; Gaspar, Funes Mori, Torres, Estupinan; Chukwueze, Coquelin, Parejo, Moi Gomez; Moreno, Alcacer

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More