Shaxda Ronald Koeman ee Barcelona ee uu kala hortagayo Real Betis ayaa ka yaabisay dad badan iyadoo ninka reer Holland uu kursiga keydka dhigay Lionel Messi.
Caawiyaha Koeman oo lagu magacaabo Alfred Schreuder ayaa sharaxaad ku bixiyay in sababta Messi keyd loo geliyay inaysan aheyn dhaawac uu qabo.
“Sababta keyd loo geliyay waa inuusan caabooneyn” ayuu yiri caawiyaha ka hor ciyaarta. “Kulamo badan ayaa la ciyaaray, wuxuuna Koeman sheegay in cid walba oo aan cabooneyn inay ku bilaaban doonto kursiga keydka.”
Waa kulankii ugu horeysay ee xiddiga reer Argentina uu ku bilowdo kursiga keydka tan iyo kulankii ay u safreen kooxda Granada 21kii bishii September 2019. Markaasna waxay aheyd xilli uu dhaawac ka soo laabtay.
Tan iyo wixii markaas ka danbeeyay wuxuu ku soo bilowday kulan walba oo ka harsanaa xilli ciyaareedka 2019-20 marka laga reebo seddex kulan. Ma uusan ciyaarin kulankii wareega group-yada Champions League ee ay martida u ahaayeen Inter Milan ama kulankii ay u safreen jasiirada Ibiza ee Copa del Rey iyadoo labada kulanba la nasasiiyay. Sidoo kale ma uusan wajihi Getafe kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga madaama uu dhaawac ahaa.
Xilli ciyaareedkan wuxuu dheelay daqiiqad walba oo ka mid ah La Liga iyo Champions League.
Kulankaan ayaana u noqday markii ugu horeysay ee uu seeriga ciyaarta ka soo maqlayo kursiga keydka tan iyo kulankii Granada ee 413 maalmood ka hor.