Skip to content
Wednesday, September 23, 2026 10 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:38
Muqdisho 24°C
Breaking: Trump’s UN Takeaways Center on Threats, Diplomacy and ‘Super Intelligence’
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

“Sida Doorashada Madaxweynaha Mareykanka Waa In Codadka Oo

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa isbarbardhig ku sameeyay tartanka horyaalka Premier League iyo tartanka doorashada madaxweynaha Mareykanka ee ay ku hardamayaan Donald Trump iyo Joe Biden.

Man City ayaa maalinta Axada waxay garoonkooda Etihad Stadium ku soo dhaweyn doonaan kooxda difaacaneysa islamarkaana hogaanka u heysa horyaalka ee Liverpool.

Man City ayaa si liidata ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyagoo ku jira kaalinta 10aad laakiin Pep Guardiola ayaa aaminsan inaan haatan la sii saadaalin karin kooxda hanan doonta horyaalka.

Wuxuu sheegay in la ogaan doono kooxda guuleysata kaliya marka la xisaabiyo dhamaan dhibcaha 38da kulan ee horyaalka Premier League si la mid ah sida loo ogaan doono cida ku guuleysata doorashada madaxweynaha Mareykanka marka la tiriyo dhamaan codadkii la dhiibtay.

Shirkiisii jaraa’id ee uu maanta ka qabtay ka hor kulanka Liverpool ayuu Pep Guardiola yiri:

“Waa kulan aad u muhiim ah, laakiin sida doorashada madaxweynaha Mareykanka, waa qasab in dhamaan codadka oo dhan la tiriyo. Waxaa jira kulamo badan oo harsan in la ciyaaro” ayuu yiri Guardiola.

“Ma beenin karno in kulankaan uu muhiim yahay, sida ay sheegtay waxaa la ciyaaray todoba kulan horyaalka, waxaa inoo harsan hal kulan laakiin waxaa haray dhibco badan oo loo ciyaarayo.

“Waan ognahay sida ay muhiim u tahay kulankaan iyo inaan soo bandhigno qaab ciyaareed fiican oo aan ku garaaci karno iyaga. Hore waan u soo guuleysanay waana u soo guuldareysanay laakiin waa inaan shaqadeena ugu fiican qabano si aan u garaacno iyaga.”

Guardiola ayaa aaminsan inaan dhibcaha haatan lagu saleyn karin saadaasha kooxda ku guuleysan doonta horyaalka bisha May 2021.

“All the votes must be counted”

Pep Guardiola gets political as he compares the Premier League to the #USElection ? pic.twitter.com/lxsldIASh9

— The Sun Football ⚽ (@TheSunFootball) November 6, 2020

How do you rate this story?

0 votes