Skip to content
Sunday, September 20, 2026 7 Rabi al-Thani 1448 AH Isha 19:01
Muqdisho 26°C
Breaking: Cutting Ties With Turkey May Not Benefit Villa Somalia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Tababaraha reer Talyaani Roberto Mancini oo laga helay Covid-19

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio
Soccer Football - Euro 2020 Qualifier - Group J - Armenia v Italy - Vazgen Sargsyan Republican Stadium, Yerevan, Armenia - September 5, 2019 Italy coach Roberto Mancini before the match REUTERS/Anton Vaganov

Xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga ee FIGC ayaa shaaciyey in tababarahooda Roberto Mancini uu ku dhacay xanuunka Korona Fayras oo aanu hoggaamin doonin kulamada UEFA Nations League iyo saaxiibtinimo.

Roberto Mancini oo hore usoo tababaray kooxo waaweyn oo Yurub ah, ayaa karantiil ku gelaya gurigiisa magaalada Rome, sida xidhiidhku sheegay, waxaana xaaladdiisu ay tahay mid wanaagsan oo aan ku jirin khatar.

- Advertisement -

Baadhitaan lagu sameeyey tababare Mancini iyo shaqaalihiisa ka hor inta aanay toddobaadka soo socda iskugu yeedhin ciyaartoyda qaranka ee kulamada bisha November ayaa waxa xanuunka lagaga helay Roberto Mancini, waxaana uu gurigiisa ka daawan doonaa kulanka Saaxiibtinimo ee Arbacada uu waddankiisu la ciyaari doono Estonia habeennimada Arbacadu soo gelayso.

Waxa kale oo uu bannaanka ka ahaan doonaa labada ciyaarood ee UEFA Nations League ee Poland iyo Bosnia uu xulka Talyaanigu la ciyaari doono usbuuca xiga.

“Isaga oo marayay hubinta caafimaad ee xilliilaha ah ee FIGC ay ku samayso shaqaalaha tababarka xulalka qaranka ee ka hor kulamada tartamada UEFA, tababare Roberto Mancini ayaa lagaga helay xanuunka COVID-19.” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga.

“Gebi ahaanba kama muuqdaan wax calaamad ahi waxaanu u hoggaansamayaa shuruucda, waxaanu tababaraha Azzuri karantiil ku gelayaa hoygiisa Rome. Waxa FIGC ay la socodsiisay xaaladdiisa masuuliyiinta caafimaadka. Tababaruhu wuxuu awoodi doonaa inuu shirka xulka qaranka kaga qayb-galo muuqaal daawasho ah.” Ayaa uu war-saxaafadeedku ku daray.

Mancini ayaa hore usoo layliyey kooxaha Inter Milan oo uu saddex horyaal oo Serie A u qaaday ka hor intii aanu tegin Manchester City oo uu kula guuleystay horyaalka Premier League sannadkii 2012 iyo FA Cup oo uu u qaaday 2011.

Xulka qaranka Talyaaniga ayaa loo magacaabay markii uu dhamaaday Koobkii Adduunka ee 2018kii oo ay ku guul-darraysteen inay usoo baxaan, waxaana toban ciyaarood oo uu joogay uu ku hoggaamiyey 10 guulood iyadoo uu usoo saaray tartanka dib loo dhigay ee EURO 2020.

How do you rate this story?

0 votes