Skip to content
Monday, September 21, 2026 8 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:51
Muqdisho 25°C
Breaking: Somalia’s Lower House Speaker Urges Stronger Enforcement as Piracy Resurges Off Somalia
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Liiska Xiddigaha Xulka England Oo Lagu Dhawaaqay, Mason

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio
axadle_deg_deg

Phil Foden ayaa dib loogu soo celiyay xulka qaranka England laakiin Mason Greenwood ayay weli ciqaabta ku socotaa isagoo laga soo tagay.

Tababaraha xulka England ayaa u soo yeeray xiddiga Manchester City Foden kaasoo lagu soo daray liiska 29ka xiddig ee la ciyaaraya Republic of Ireland, Belgium iyo Iceland.

- Advertisement -

Laakiin waxaa laga soo tagay xiddiga Manchester United Mason Greenwood iyadoo Foden iyo Greenwood bishii September xulka laga ceyriyay ka dib markii ay gabdho si dhuumaaleysi ah ku soo geliyeen qolkooda.

Waxaa la fahamsan yahay in Southgate uu go’aansaday inuu ku ciqaabo labada xiddig inuu ka reebay kulamadii bishii la soo dhaafay ay England la ciyaartay Denmark, Belgium iyo Wales.

Laakiin Foden ayay u muuqataa in haatan la cafiyay halka xiddiga Manchester United Greenwood laga soo tagay inkastoo sababta looga soo tagay ay noqon karto inuusan boos ka heysanin kooxdiisa.

XULKA ENGLAND EE LA MAGACAABAY

Goolhayayaal: Henderson, Pickford, Pope

Daafacyo: Alexander-Arnold, Chilwell, Coady, Dier, Gomez, James, Keane, Maguire, Maitland-Niles, Mings, Saka, Trippier, Walker

Khadadka Dhexe: Foden, Henderson, Mount, Rice, Ward-Prowse, Winks

Weeraryahano: Abraham, Calvert-Lewin, Grealish, Kane, Rashford, Sancho, Sterling

How do you rate this story?

0 votes