Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:39
Muqdisho 25°C
Breaking: Typhoon Dujuan Kills at Least Four in Japan, Cuts Power to 45,000 Homes
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Kulanka Barcelona Ee Champions League Ee Habeenka Arbacada

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Kooxda reer Ukraine ee Dynamo Kiev ayaa heysata kaliya 13 xiddig kulanka ay bartamaha isbuucaan u safrayaan Barcelona ee Champions League ka dib markii sagaal ciyaaryahan laga helay Korona Fayras.

Waxay tani la micno tahay in kaliya kooxda Dynamo Kiev inay awood u yeelatay inay 13 xiddig ka soo xulato kooxdeeda, iyadoo haddii uu hal ciyaaryahan kale maqnaado ay sababi doonto in la baajiyo kulanka Camp Nou.

- Advertisement -

Dynamo Kyiv are missing 13 players in total for Barça game on Wednesday: nine with coronavirus, one suspended and three injured https://t.co/YfqVjFXXPB

— Samuel Marsden (@samuelmarsden) November 2, 2020

Dynamo Kiev ayaa xaqiijisay in Georgy Tsitaishvili, Denis Garmash, Mikkel Duelund, Alexander Karavaev, Tudor Belutse iyo Mykola Shaparenko in dhamaantood laga helay Korona Fayras isbuucaan, halka Buschan, Mykolenko iyo Boyko ay iyaguna durbaba ku jireen karantiil madaama hore looga helay cudurka.

Maqnaanshaha ciyaartoyda wuxuu si weyn u saameeyay goolhayayaasha iyadoo ay maqan yihiin labada gool haye ee kooxda koowaad, waxaa iyagana sidoo kale xanuunsan labada daafac garab ee booska joogtada ah heystay.

Tirada ugu yar ee ay koox u magacaabi karto kulan tartan rasmi ah sida sharciga UEFA uu ogol yahay waa 13 ciyaartoy, laakiin haddii hal ciyaaryahan kale laga helo cudurka Korona Fayraska ka hor habeenka Arbacada, waa la baajin doonaa kulanka Barcelona iyo Dynamo Kiev ee Camp Nou.

How do you rate this story?

0 votes