Neymar Oo Go’aan Ka Qaatay Ku Laabashadiisa Barcelona Xilli

Weeraryahankii hore ee Barcelona Neymar ayaa iska diidi doona fursad kasta oo uu dib ugu laaban karo garoonka Camp Nou sannadka soo socda ee 2021 sida ay sheegtay jariirada Isbaanishka ee AS.

Xiddiga reer Brazil ayaa si joogta ah loola xiriirinayay suurtogalnimada uu dib ugu laaban karo Camp Nou 18kii bilood ee ugu danbeysay ka dib markii uu shaaciyay inuusan kordhin doonin qandaraaskiisa kooxda Faransiiska wixii ka danbeeya 2022.

Si kastaba, warbixinta wargeyska AS ayaa lagu sheegay inuu haatan ka quustay qorshihii uu dib ugu laaban lahaa Catalonia isagoo wadahadal cusub oo qandsaraas kordhin ah la galaya kooxda heysata horyaalka Faransiiska ee Paris Saint-Germain.

PSG ayaa iyaduna dooneysa inay qandaraas cusub u soo bandhigto 28 jirkaan laakiin muhiimadooda koowaad waa inay ceshtaan xiddiga Faransiiska Kylian Mbappe kaasoo si joogta ah loola xiriirinayo Liverpool iyo Real Madrid.

Neymar ayaa lagu xamanayaa inuu codsan doono in la sii wado qandaraaskiisa haatan oo uu sannadkii kooxda Paris Saint-Germain ka qaato 30 milyan euro.

Laakiin madaama PSG ay muhiimad siineyso Mbappe waxaa laga yaabaa inay ku qasabto xiddiga reer Brazil inuu aqbalo mushahar dhimis iyagoo u soo bandhigi kara inuu sannadkii qaato 25 milyan euro madaama uu galayo da’da 30meeyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More