Garsoore Khabiir Ah Oo Xukumay Haddii Uu Lionel Messi Kaadh

Garsoore hore Juan Andujar Oliver oo ah mid aad ugu khabiir ah arrimaha garsoorka kubadda cagta ayaa ka hadlay haddiiba kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi uu xalay mudnaa kaadh casaan ah kulankii ay booqdeen dhigooda Deportivo Alaves.

Barcelona ayaan wax guul ah helin kulankii afraad ee xidhiidh ah horyaalka La Liga iyagoo haatan boos hoose kaga jira miiska kala sarreynta horyaalkaas isla markaana 8 dhibcood ka dambeeya Real Madrid oo hoggaanka haysa walow ay kulan baaqi ah haystaan.

Kulankoodii ugu dambeeyay oo midkii xalay ahaa ayay bar-bardhac 1-1 ah lasoo galeen Alaves, mid kamida dhacdooyinkii ugu hadal haynta badnaa ayaa ahaa ficil uu sameeyay Lionel Messi.

Messi ayaa intii uu kulankaasi socday kubadda si cadho leh ugu laagay garsoorihii kulanka ee Alejandro Hernandez Hernandez.

Hernandez Hernandez ayaa kaliya kaadh jaale ah (Huruud) ku siiyay Messi talaabadaas ah inuu si cadho leh dhiniciisa kubadda ugu soo laagay balse Juan Andujar Oliver ayaa qaba inuu mudnaa wax intaas ka badan.

Oliver oo Marca la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay inay ahayd inuu garsooruhu kaadh casaan ah siiyo Lionel Messi xataa haddii uusan kubadda ku dhufan maadaama oo uu isku dayay inuu isaga cabsi geliyo.

“Waxay ahayd in isaga (Messi) garsoonka laga saaro walow aysan kubaddu ku dhicin Hernandez Hernandez, ficilkaas waxa uu doonayay inuu ku cabsi geliyo garsooraha kaasina waxa uu mudan yahay casaan toos ah”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More