Jadwalka Doorashada 20/21 & caqabadaha ku hor gudban! –

Bartamihii September 2020 waxaa heshiis laga gaaray doorashada dalka 20/21 kadib kulan dhexmaray Hogaamiyayaasha DFS & DG oo horay wada-xaajood saddex heer maray ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Dhuusamareeb (3) kama aysan qaybgelin Hogaamiyayaasha DG Puntland & Jubbaland, waxa ay taasi keentay in ay diidaan natiijada heshiiska ay saxiixeen Hogaamiye Farmaajo, Hogaamiyayaasha DG Galmudug, Hir-Shabeelle, Koofur Galbeed & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Bilawgii September 2020, Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Axmed Madoobe & Siciid Deni si ay ula kulmaan Hogaamiyaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay diideen qodobada lagu heshiiyay.

Labo todobaad oo ay is fadhiyeen wax natiijo ah waa laga gaari waayay, Axmed Madoobe ayaa dalbaday in Ciidamada Dowladda Federaalka ee la geeyay Gedo laga soosaaro, halka Siciid Deni uu ku taageeray.

Dadaal dheer kadib waxaa la go’aamiyay in la kordhiyo ka qaybgalayaasha oo loo yeero Madaxweynayaasha Galmudug, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle oo Baydhabo isu tagay 9-kii September 2020, wax saacad kayar kulmay, kadibna usoo safray Magaalada Muqdisho.

26/September/2020, labada Gole ee BFS ayaa u codeeyay heshiiskaas dalka uu ku aadayo Doorashada 20/21, waxaana qaab gacan-taag ah ku codeeyay 252-mudane oo katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

1-dii October 2020, Hogaamiyayaasha DFS & DG ayaa markale go’aamiyay jadwalka Doorashada, xubnaha guddiga farsamada iyo xalinta khilaafaadka, dhabbaha loo marayo doorashada Senatarada, golaha Shacabka, Guddoonka & Hogaamiyaha.

Jadwalkaas waxaa kamid ahaa in xubnaha xulista Guddiga Farsamada & xalinta khilaafaadka oo la go’aamiyay 10ka ilaa 20ka October 2020, marka laga tago DG Jubbaland & Koofur Galbeed maamulada kale waa ay la dhaaftay magacaabista waqtigaas.

20-ka ilaa 31-ka October 2020, waxaa u jadweysan in ay qaataan tababaro loogu xirfad kordhinayo xubnaha Guddiga doorashada si loo tuso qaabka shaqo ee Doorashada 20/21, hubinta Ergada & wada-shaqeyntooda.

Sida howshu ay u socoto & raacista Jadwalka wadajirka u dejiyeen Hogaamiyayaasha DFS & DG oo dadka qaar ayaa dhaliilsan sida aan loo dhaqangelineen, maadaama bilawgii tobanka cishe ee soo xulista Guddiga Farsamada laga baxay xeendaabka waqtigaas.

1-da ilaa 30-ka November 2020, waa soo xulista, diyaarinta Ergooyinka & Goobaha Codbixinta, waana jadwalka saddexaad oo haatan su’aal la gelinayo, maadaama aan jirin dhaq-dhaqaaq la xiriira xareynta Ergooyinka iyo hogaamiyayaasha beelaha soo xuleysa.

Haddaba, Cagajiidka sababta u ah in laga gudbo waqtiga jadwalka Doorashada 20/21 ee ku qoran in lagu qabanayo howl waliba ma waxa uu ka socdaa dhanka Dowladda Federaalka mise Dowlad Goboleedyada?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More