Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:51
Muqdisho 28°C
Breaking: McEntee Questions EU Response to Israel, Saying, “We Are Failing”
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Liiska Tobbanka Xiddig Ee Abid Ugu Goolasha Badan Kubadda

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 1-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~1 min audio

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa talaabo kale hore u qaaday si uu u noqdo xiddiga abid ugu goolasha badan kubadda cagta kulankii uu Arbacadii goolka muhiimka ah ee rigooraha ah kasoo dhaliyay Juventus ciyaar Champions League ahayd.

Messi ayaa wacdarro kasoo dhigay kulankaas isaga oo caawiye ka ahaa goolkii furitaanka ee Ousmane Dembele kahor intii uusan daqiiqadihii ugu dambeeyay kulanka goolka labaad isagu ka dhalin Juve oo Cristiano Ronaldo la’aan ahayd.

Goolka uu Messi kulankaas kasoo dhaliyay ayaa u noqday midkiidii 721-aad ee tartan ah isaga oo booska afraad kor ugu kacay oo dhaafay Gerd Muller oo ay markii hore min 720 wada lahaayeen.

Liiskan ayuu booska saddexaad kaga jiraa halyeeyga ree Brazil ee Romario oo 734 gool leh kaas oo kaliya 13 gool ka sarreeya Messi haatan isla markaana ay u badantahay in 33 sano jirka Barcelona uu isla xilli ciyaareedkanba soo qaban karo.

Booska labaad ayuu joogaa Cristiano Ronaldo, CR7 uu noqon kara xiddiga hor gaadha tirada ciyaaryahanka abid ugu goolasha badan ayaa 25 gool u jira Pele oo booska 1-aad ku jooga 767 gool isagoo gudaha xilli ciyaareedkan gaadhi kara.

Liiska Oo Dhammaystiran

 

How do you rate this story?

0 votes