Skip to content
Tuesday, September 22, 2026 9 Rabi al-Thani 1448 AH Dhuhr 11:51
Muqdisho 29°C
Breaking: Korane Outlines Four-Point Plan to Tackle Insecurity in Garissa
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Ryan Giggs Oo Daboolka Ka Qaaday In Louis Van Gaal Uu

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Ryan Giggs ayaa shaaciyey in tababarihii horihii hore ee reer Netherlands ee Louis van Gaal uu caloosha feedh kaga dhuftay markii loo magacaabay tababaraha Manchester United ee ay kulankoodii ugu horreeyey yeesheen.

Van Gaal ayaa Manchester United ay tababaraheeda u magacowday sannadkii 2014kii iyadoo uu beddelay David Moyes oo markaa shaqada laga caydhiyey, halkaas oo isagana muddo kaddib la tusiyey albaabka oo lagu beddelay Jose Mourinho.

Ryan Giggs ayaa tababare ku-xigeen looga dhigay Van Gaal, si uu gacan-yare ugu noqdo, isaguna uu ka barto xirfadda iyo aqoonta tababarenimo ee muddada dheer uu ruug-caddaaga reer Netherlands kusoo dhex jiray.

Hotel ayuu kulankoodii ugu horreeyey ka dhacay Van Gaal iyo Ryan Giggs, waxaana iyagoo isku baranaya halkaas uu halyeyga Manchester United kala kulmay wax aanu filayn.

“Markii ugu horreysay ee aanu kulanay, caloosha ayuu iga feedhay.” Ayuu yidhi Ryan Giggs oo intaa ku daray: “Waxaan ugu tegay inaan la kulmo, waxaananu haysanay liiska ciyaartooyo aan u malaynayay inay wanaagsanaayeen iyo kuwa aan fiicnayn.

“Waxaan ugu tegay hotelka oo aan kula kulmay, waxa uu iga furay albaabka, wuu isoo eegay, kaddibna caloosha ayuu feedh igaga dhuftay isaga oo igu yidhi ‘qaabkaagu wuu fiican yahay’.”

Ryan Giggs waxa uu qirtay in feedhka uu Van Gaal ku dhuftay uu ahaa mid xanuun badan balse wax uu sameeyo uu garan waayey, waxaanu yidhi: “Wuu adkaa, wax aan ku sameeyana waan garan waayey. Aniguna waan ugu jawaabi karayay laakiin taasi shaqadayda ayaan ku waayi lahaa.”

Labadii sannadood ee uu Van Gaal joogay Old Trafford waxa uu ku guuleystay tartanka FA Cup, waxaana shaqada laga caydhiyey 2016 iyadoo lagu beddelay Jose Mourinho.

How do you rate this story?

0 votes